Dowlada Uganda oo shaacisay in ay soo afjartey cudurka Ebola

Image
Wasiirka caafimaadka, Dr. Jane Ruth Aceng Ocero, ayaa iclaamisay in la waayay wax kiis ah cusub muddo 42 maalmood ah.

KAMPALA, Uganda - Mas’uuliyiinta dalka Uganda ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in la soo afjaray cudurka Ebola oo dhawaan ka dilaacay dalkaas kadib markii la waayay wax kiisas cusub ah muddo 42 maalmood ah.

Talaabadan ayaa waxaa looga dhawaaqay xaflad si heer sarre ah loo agaasimay oo lagu qabtey degmada Mubende ee bartamaha dalkaas halkaasoo xudunta u ahayd cudurka dillaacay.

Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka, cudurka Ebola wuu dhammaaday haddii 42 maalmood kadib aan la helin kiisas cusub, taas oo laba jeer ka badan muddada cudurka.

"Maanta waxay ku beegan tahay 113 maalmood tan iyo markii uu cudurka Ebola ka dillaacay Uganda," ayay tiri wasiirka caafimaadka Dr. Jane Ruth Aceng Ocero.

Jane ayaa raacisay: "Waxaan ku boorrinayaa dadka inay feejignaadaan oo ay hirgeliyaan hababka qalliinka caadiga ah iyo inay soo sheegaan qof kasta oo bulshada ka mid ah oo soo bandhiga astaamo u eg Ebola".

Cudurka dillaacay, oo ah kii siddeedaad ee taariikhda Uganada, ayaa dilay 55 qof. Waxaa jiray guud ahaan 143 xaaladood oo la xaqiijiyay iyo 22 xaaladood oo suurtagal ah.

Calaamadaha Ebola waxaa ka mid ah qandho, kor xanuun iyo lafo xanuun, iyo daal, taas oo markaa u gudbi karta shuban, matag iyo dhiig-bax aan la garanayn.

Sannadkii 2012, mar uu ka dilaacay degmada Kibaaley ee galbeedka dalka ayuu horseeday 17 dhimasho ah oo ka mid ah 24 kiis oo la xaqiijiyey, laakiin waxaa lagu dhawaaqay in uu dhammaaday wax ka yar saddex bilood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM