Dowladda Ghad oo sheegtey in ay fashilisay "isku-day khalkhal-gelin"

Image
In ka badan 10 askari ayaa lagu waramay in xabsi loo taxaabay kaalinta ay ku lahaayeen ololahan.

NAIROBI, Kenya - Isku day lagu doonayay in lagu qalqal geliyo Chad ayaa la fashiliyey, sida ay ku dhawaaqeen mas’uuliyiinta dalkan dhaca bartamaha qaaradda Afrika oo ay soo xigatay warbaahinta.

Saraakiishan ayaa hadalkooda waxay intaa ku dareen in 11 kamid ah saraakiisha ciidamada lagu soo oogay dacwad la xiriirta doorkii ay ku lahaayeen ololihii bishii hore dhacay.

"Kooxda yar ee dhagar qabayaasha" ayaa la xiray 8-dii Diseembar, ayuu yiri afhayeenka dowladda Aziz Mahamat Saleh. Warbaahinta maxalliga ah ayaa tabisay in tuhmanayaasha loo gudbiyay xabsi si weyn loo ilaaliyo oo ku yaal waqooyiga Gobolka saxaraha ah ee Koro Toro..

Saleh ayaa ku daray: "[Kooxda] waxaa hogaaminaya Baradine Berdei Targuio, hogaamiyaha ururka xuquuqul insaanka ee Chad. Hadafkooda wuxuu ahaa khalkhal-gelin lagu wiiqayo hay'adaha dalka oo laguna qabsado militariga iyo isgaarsiinta".

Saraakiishan ayaa horay u maray su’aalo caadi ah oo ay boliiska ku weydiinayeen ka hor inta aan loo gudbin xafiiska xeer ilaalinta ee caasimadda N’djamena, sida ay dowladdu sheegtay.

Waxaa loo haystaa eedeymo ah "in ay waxyeeleynayaan nidaamka dastuuriga ah iyo in hub sharci-darro ah ay haysteen iyo inay gacan ka geystaan falal dambiyeedyo kale," ayuu raaciyay Saalax.

Dalka Chad waxa uu ku jiray xaalad kala guur ah oo militari tan iyo markii uu xukunka la wareegay General Mahamat Idris Deby Itno ka dib dilkii aabihiis, Idriss Deby Itno, bishii April 2021 kaasoo 30 sano xukunka hayay.

Mudaaharaadyo ayaa tan iyo markaas bilowday waxaana dadweynaha ay dalbanayeen in meesha laga saaro xukunka milatariga ah iyo qabashada doorashooyin dimoqraadi ah. Hase ahaatee, wali laguma guuleysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM