Dowladda Itoobiya iyo ONLF oo billaabey dhaqan-gelinta Heshiiska Nabadda

Image

JIGJIGA - Itoobiya iyo Jabhadda ONLF ayaa ku dhaqaaqaya fulinta heshiiska nabadeed ee ay ku kala saxiixdeen sanadkii hore ee 2018 magaaladda Asmara ee dalka Eritrea.

Qodobada heshiiska waxaa kamid ah in ONLF ay dhaqdhaqaaq siyaasadeed ay sameysato iyo in malleeshiyaadleeda lagu biiriyo ciidamada dowlad degaanka Soomaalida ee loogu yeero Liyuu Boolis.

Saraakiisha Ururka ayaa xaqiijiyay in 1,742 dagaalyahano ay ku biiriyeen Liyuu boolis, iyadoo tani qeyb ka tahay qorshaha lagu sameynayo hal ciidan amni, oo dowlad degeenka ay leedahay.

Maxamed Cumar Cismaan, gudoomiyaha ONLF oo arrintaan farxad ka muujiyay ayaa shaaciyay in ay qayb ka tahay in ay si nabdoon ku raadiyaan xuquuqda shacbiga Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in isbedalka ka hano qaaday gobolka oo uu ku tilmaamay mid ku socda si dardar leh uu xidadeysto, si ay dadwaynaha uga faa’ideystaan.

Talaabada lagu mideynayo xoogaga labada dhinac ayaa dhabaha u xaareysa in gobolka uu yeesho xoogaga amniga qaabilsan oo talis qura ah leh, taasi oo meesha ka saareysa qul-qulatooyinka.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Ururka uu ku dhawaaqay inuu Hubka dhigayo, iyada oo ciidamadeeda oo Jigjiga ka degay dabayaaqada sanadkii hore ay haatan ku jiraan xero ciidan oo ku taala duleedka magaalada.

Heshiiska nabada oo lagu saxiixay magaalooyinka Asmara iyo Addis Ababa ayaa waxaa qayb ka ah in ciidamada ONLF ee ku naafoobay dagaaladii ay la galeen Itoobiya ay helaan daryeel noladeed iyo mid caafimaad.

1-da bishaan Janaayo 2019 ayey ONLF ku dhawaaqday inay ka qaybgaleyso doorashada degaanka ee Madaxtooyada iyo Baarlamaanka, taasi oo kamid ah ahayd qodobadii dhinaca siyaasada ee heshiiska ku xusnaa.

Isbedal ayaa ku yimid siyaasada Itoobiya tan iyo markii uu xafiiska yimid Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed kaasi oo balanqaaday inuu dhamaan dhinacyada hubeysan la heshiinayo taasi oo qayb kamid ah hir-gashay inkasta ay howli u harsan tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM

WAR CUSUB: Congo oo diiday Qunsul ay Kenya u dirtay magaalada Goma oo Mucaaradka haysto

Fallaagada M23, oo marar badan lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah, ayaa sanadkan ku fiday dhul ballaaran oo ku yaalla bariga Congo.

  • Afrika

    17-08-2025

  • 01:51PM