Dowladda Itoobiya ka hadashay fulinta heshiiska nabada Tigray

Image
Wadahadaladda sababay heshiiskan ayaa waxaa dhexdhexaad ka ahaa Midowga Afrika.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Itoobiya ayaa sheegtay in ay gacanta ku hayso illaa 70% dhulka gobolka Tigreega, sidaasi darteedna ay fududeyn karto in gobolkaasi la gaarsiiyo gargaarka caalamiga ah xilli dad aad u tiro badan ku macaluulayaan gobolkaasi.

Ridhwaan Xuseen oo ah madaxa wadahadalada Itoobiya ayaa xusay in ay sidoo kale soo celinayaan isgaarsiinta iyo korontada, islamarkaasna ay qiimeynayaan xaaladda garoomada gobolkaasi ka hor inta aanan la fasixin duulimaadyada.

"35 gaadiidka xamuulka ah oo cuno wada ayaa hadda gaaray gobolka iyo dawo ah," ayuu yiri Ridhwaan oo qoraal soo dhiggey degelkiisa Twitter-ka.

Getechow Reda oo ah madaxa wadahadalada TPLF ayaa tibaaxay in dhankooda ay u arkaan in wax kasta oo dadka Tigreega ay ku heli karaan nolol ama dan u ah la sameeyo, xitaa haddii ay nabbadda dan u tahay.

Balse wuxuu sheegay in waqtiga uu sheegi doono in la fuliyo ballamaha heshiiska ku qoran iyo in kale. Dhaqan-gelinta heshiiskan waa xujada ugu weyn ee hortaala labada dhinac.

Heshiiska labada dhinac dhexmaray ayaa u muuqda mid ku yimid markii dhinac ka mid ah dhinacyada uu gacanta sare ku yeeshay dagaalka oo uu qasaare badan ka dhashay.

Wadaxaajoodyada ayaa lagu qasbay labada daraf ka gadaal markii dowladaha reer galbeedka ay ku riixeen Midowga Afrika in uu isku-keeno ayna ku kulmeen markii ugu horeysay waddanka Koonfur Afrika markana ay isku-arkeen caasimadda Kenya ee Nairobi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM