Dowladda Itoobiya oo bilowday buuxinta biyo xireenka webiga Nile

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Mas'uuliyiin ayaa sheegay in Itoobiya ay bilowday buuxinta biyo xireenka khilaafku hareeyay ee Webiga Nile, maalin kadib markii wadahadalada Masar iyo Suudaan ay heshiis la'aan lagu kala tegay.

Wasiirka biyaha Itoobiya, Seleshi Bekele, ayaa xaqiijiyey sawirro muujinaya biyo lagu sii shubayo biyo-xireenkan muranka xoogan uu ku geedaaman yahay.

Ethiopia ayaa u aragta mashruucaan mid muhiim u ah kobaca dhaqaalaheeda iyo in ay u adeegsan doonto horumarinta korontada.

Balse Masar iyo Suudaan, oo uu saameynayo, ayaa ka cabsi qaba in uu hoos u dhigi doono saamiga ay ka helaan biyaha ka yimaada Webiga.

Wadaxaajoodyo sanado socday lana doonayay in lagu gaaro wadar-ogol la xiriira qaabka, goorta la buuxin doono biyo xireenka iyo inta la gaarsiin doono ayaa fashilmay, waxaana la isla gaarey heer ay ururo farageliyaan.

Mr Seleshi ayaa Arbacada maanta ah u sheegay warbaahinta dowlada Itoobiya in buuxinta ay bilaabatay, isagoo raaciyey "dhismaha biyo xireenka iyo buuxinta biyaha waxay ku socon doontaa si dhaqsiya badan".

Hadaladiisa ayaa yimid markii sawirro la qaadey 27-dii iyo 12-kii July ee sanadkan ay muujiyeen koror la xiriira biyaha qeybta dambe ee biyo xireenka.

Sawiradaas ayaa looga dabaaldegay Itoobiya, balse waxay kordhiyeen walaaca gudaha Masar. Mashruucaan oo Shiinuhu maalgelinayo waxaa ku baxeysa aduun lacageed dhan afar bilyan oo Doollarka Mareykanka ah.

Sikastaba ha ahaatee, dowladaha Carbeed ee Masar iyo Suudaan ayaanan wali ka falcelin talaabada xukuumadda Addis Ababa, wallow Khaahira ay horey ugu goodisay in ay qaadeyso talaabo milatari hadii buuxinta ay bilaabato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM