Dowladda iyo mucaaradka Kenya oo u balamay wadahadalo kulul

Image
Mudaaharaad weyn oo la qorsheeyay Isniinta berri ah ayaa dib loo dhigay si fursad loo siiyo "xal nabadeed".

NAIROBI, Kenya - Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga, ayaa joojiyay mudaaharaadyadii la qorsheeyay Isniinta, isagoo soo dhaweeyay baaq ka yimid madaxweyne William Ruto oo ah in xal nabadeed la gaaro.

Mr Odinga, ayaa ku adkeystay in si deg deg ah loo dhiso guddiga labada dhinac ee uu soo jeediyay Dr Ruto, wuxuuna ka digay in toddobaad gudihiis ay ku soo laabtaan banaanbaxa, haddii uu wadahadalku fashilmo.

"Waxaan ku heshiinnay in hannaanka baarlamaaniga ah oo dheellitiran oo ay wadajir u guddoominayaan labada dhinac ayna taageerayaan khubaro dibadda ka yimid uu sii socdo," ayuu yiri.

Odinga wuxuu intaas ku daray: "Aragtidayada, guddigan waa in si deg deg ah loo soo saaraa iyadoo waqtiyo adag lagu xallinayo dhibaatada soo food saartay dalka".

Goor hore oo maanta ah, madaxweyne William Ruto ayaa ku booriyay hogaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga, in uu joojiyo banaanbaxyada looga soo horjeedo dowladda.

Ruto ayaa waxa uu ogolaadey in labada xisbi ee baarlamaanka ay ku wajahaan arrimaha ay soo jeedinayaan mucaaradka, gaar ahaan xubnaha cusub ee kamid noqonaya guddiga doorashada.

Hadalka Ruto ayaa timid saacado kadib markii saxaafadu ay tabisay dowladiisa waddo qorshe ay ku dooneyso in ay ku xirto internet-ka iyo qaar kamid ah xarumaha warbaahinta si ay u joojiyaan tabinta wararka banaanbaxyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM