Dowladda Jabuuti oo qorsheyneysa in ay sameysato dayax-gacmeed

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Jabuuti ayaa wadda qorshe ay ku sameysaneyso dayax-gacmeed, sidda ay baahisay Wakaaladda wararka waddankaas ee ADI.

Mashruucaan ayaa lagu soo qaadey kulan dhexmaray madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Prof Laurent Dusseau.

Dusseau waa maamulaha xarunta Space ee Jaamacadda Montpellier iyo agaasimaha hay’adda Van Allen Foundation.

Hay'adda oo fadhigeedu yahay Faransiiska ayaa wuxuu u qaabilsan yahay Istiraatiijiyaddeeda iyo Cilmi-baarista.

War-saxaafadeed kulanka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dhinacyadda si qoto dheer iskula eegeen hirgelinta qorshahaan aadka u balaaran.

Intii uu kulanku socday Geele ayaa daawaday muuqaal fiidiyow ah oo ku saabsan nidaamka farsamada iyo aqoonta lagama maarmaanka u ah dhismaha.

“Waxaan si buuxda ugu kalsoonahay in muddo laba sano gudahood ah ay Jabuuti awoodi doonto in ay hesho dayax-gacmeedkeeda," ayuu yiri Dusseau.

Nabil Maxamed Axmed, wasiirka tacliinta Jabuuti oo kulanka qayb ka ahaa, ayaa xusay in ay ku dedaalayaan horuarinta xirfadaha waddaniga ee Injineernimada soosaarka Dayax-gacmeedyada.

Dayax-gacmeedka la qorsheynayo in la hirgeliyo ayaa ah nooca yar. Balse illaa iyo haatan waxaanan wali kala caddeyn ujeedadada ay Jabuuti u sameysanayso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM