Dowladda Kenya oo la wareegeysa gaadiid loosoo wadday Soomaaliya

Image

NAIROI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqdey in ay la wareegeyso 300 gadiid oo qaarkood loosoo wadday Soomaaliya.

Illaa iyo haatan ma cadda ujeedada dhabta ah ee la dambeysa qabsashadda baabuurta oo ah nooca casriga ah ee dunida laga adeegsado.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in qaar kamid ah gaadiidkan ay yihiin kuwa qaab sharci darro ah la doonayay in lagu gudbiyo.

Gadiidka ayaa lagu soo qabtay howlgal gaar ah oo ciidamadda ammaanka ay sameeyeen, sidda ku xusan war-saxaafadeed.

Baabuurta ayaa loo wadday wadamada kala ah; Uganda, South Sudan, Malawi, Burundi, Tanzania, Somalia iyo DRC.

Kenya ayaa horey ula wareegtay isla markaana qaarkood burburisay badeeco loosoo wadday Soomaaliya, iyadoo cuskanaysa sharci darro.

Dhanka kale, waxaa la qabtay 37 qof kuwaasoo wadday baabuurta, oo la tilmaamay in ay ka dambeeyeen "musuqmaasuqaan".

Bishii April ee sanadkii hore ayay ahayd markii Kenya ay qabatay laba gaari oo nooca casriga ah kuwaasoo laga soo xaddey waddanka Ingiriiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM