Kenya: Carro ka dhalatay nin dhintay oo xil sarre loo magacaabay

Image

NAIROBI, Kenya – Ruux dhintay ayaa waxaa "si qalad ah" dib loogu magacaabo in uu xubin ka noqdo Guddiga Faafreebka Filimada ee Kenya, sidda ay shaacisay dowladda maanta oo Jimce ah.

Robert Kochalle ayaa geeriyooday bishii May ee sanadkii hore balse wuxuu kamid noqday saddex ruux dib loogu magacaabay hay'adda KFCB oo jiheysa Shineemooyinka iyo Warbaahinta.

Dadweynaha Kenya oo arrintan aad ugu lafaguray baraha bulshadda ayaa dhaleeceeyay xukuumadda, iyaga oo ku qeexay "caddeynta jahwareerka ka jira maamulka hay'addaha dowladda".

Hase ahaatee, Ezekiel Mutua, madaxa guddigaas, oo qaboojiyey doodda ayaa ku sifeeyay "mid ka hooseysay halka la gaarsiinayo" wuxuuna shacabka ku booriyey in aysan buun-buunin in badan.

Mutua oo sharaxay qaabka uu ku yimid qaladka ayaa wuxuu tibaaxay in uu sababay isbedel lagu sameeyay maamulka maadaama KFCB laga soo wareejiyay Wasaarad lana hoos keenay mid kale.

Idaacadda BBC-da qeybteeda dunida la hadasha ee BBC World Service ayaa ku warameysa in Kenyan-ka qaarkood aysan la dhicin sharaxaad uu bixiyey Mr Mutua.

Qaar kale ayaase jira kuwaas oo ku bog-saday balse su'aallo ka keenay soona jeediay in ay mudneyd feejignaan dheeraad ah kahor inta aanan lagu soo saarin faafinta rasmiga ah ee dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo qorsheynaya inuu ka qaado cunaqabataynta dalka Eritrea xilli ay taagan tahay xiisadda Badda Cas

Sannadkii 2021-kii, maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa cunaqabatayn baahsan saaray xisbiga talada haya ee Eritrea.

  • Afrika

    06-05-2026

  • 12:25PM

Muhaajiriinta Afrikaanka ah ee ku nool South Africa oo wajahaya cabsi iyo weerarro ajnabi-nacayb ah

Dawladda Nayjeeriya ayaa durba bilowday qorshe ay dib ugu celinayso muwaadiniinteeda doonaya inay dalka ka baxaan.

  • Afrika

    06-05-2026

  • 12:13PM