Dowladda Kenya oo shaacisay in ay hakisay bixinta Baasaboorka

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa maanta oo Talaado ah waxay ku dhawaaqday in muddo saddex maalmood ah ay hakisay bixinta Baasaboorka.

Waaxda Socdaalka oo bayaan soo saartay ayaa sheegtay in shaqadda ay dib u bilaaban doonto 27-ka bisha December ee sanadkan 2019-ka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu tibaaxay in talaaban loo qaadey "sababo laga foqsan waayey", wallow aan lagu bixin tafaasiil ku aadan waxay yihiin.

Joojinta oo siyaabo kala duwan looga falceliyey ayaa waxay kusoo aadeysaa iyaddoo uu kordhay dalabka ku aadan Baasaboorka.

"Inta lagu guda jiro hakinta, waxaa dib-u-habeyn lagu sameyn doonaa nidaamka si loo horumariyo adeegyadda," ayaa lagu yiri qoraalka Hay'adda.

Marka laga soo tago Nairobi, xarumaha kale ee laga heli jiray Baasaboorka ee la xiray ayaa ku yaala; Eldoret, Kisii, Nakuru, Kisumu iyo Mombasa.

Dr. Fred Matiang'i, wasiirka arrimaha gudaha Kenya, ayaa yiri: "Xiritaanka Waaxda waa ku meel gaar, waana la furayaa saddex maalmood kadib".

Kenya ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay ku howlaneyd casriyeynta xafiisyadda socdaalka, taasoo la aaminsan yahay in ay keentay xiritaankan ku meel gaarka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM