Dowladda Nigeria oo goobaysa in ka badan 250 arday la afduubtey

Image
Nigeria waxaa ku badan kooxo dambiilayaal ah oo aad u hubeysan oo mootooyinka wata.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Ahmed Tinubu, ayaa waxa uu diray ciidamo la doonayo in ay soo badbaadiyaan in ka badan 250 arday oo ay dableydu ka qafaasheen iskuul ku yaalla waqooyi galbeed ee dalkaasi.

Falkan argagaxa ku riday dadweynaha aggaas ayaa waxaa lagu tilmaamay mid kamid ah af-duubkii ugu ballaarnaa ee ka dhaca waddankaas muddo saddex sano ah.

"Waxaan warbixin ka helay madaxda ammaanka, waxaana ku kalsoonahay in dhibanayaasha la soo badbaadin doono," ayuu Tinubu ku yiri hadal uu jeediyay Jimcihii.

Isagoo ku amray ciidamada qalabka sida inay ku raad-joogaan afduubayaasha, Tinubu ayaa ku daray: "Wax kale oo aniga iyo xubnaha qoyska sugaya ee muwaadiniintan la afduubay ma aqbali karo".

Sikastaba ha ahaatee, weerarkii ugu dambeeyay oo ka dhacay gobolka Kaduna ayaa ahaa afduubkii labaad ee wadareed todobaad gudihiis ka dhaca dalka ugu dadka badan Afrika.

Nigeria waxaa ku badan kooxo dambiilayaal ah oo aad u hubeysan oo mootooyinka wata ay bartilmaameedsadaan dhibanayaasha tuulooyinka iyo dugsiyada iyo hareeraha waddooyinka waaweyn iyagoo ugaarsanaya lacago madax furasho ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM