Dowladda Uganda oo da' gaar u xadiday isticmaalka khamriga

Image
WHO ayaa Uganda ku sheegtay inay ka mid tahay dalalka hormuudka ka ah heerka sare ee isticmaalka khamriga.

KAMPALA, Uganda - Dowladda Uganda ayaa waxay ku dhawaaqday qorshe ay ku kordhinayso da'da sharciga ah ee lagu cabi karo khamriga iyadoo laga dhigay 21 jir.

Warbixinta Tirakoobka Caafimaadka Adduunka ee 2023 ayaa Uganda ku sheegtay inay ka mid tahay dalalka hormuudka ka ah heerka sare ee isticmaalka khamriga.

Sida lagu sheegay warbixinta WHO, waxaa lagu qiyaasaa in dadka reer Uganda ay hadda isticmaalaan 12.2 litir oo khamri ah qofkiiba sanadkii, taasoo aad uga sareysa celceliska adduunka.

"Cilmi-baadhistu waxay muujisay in haddii qof aanu qaadan walaxda qabatinka ah 21 jir, ay aad ugu yar tahay isticmaalka walxaha la qabatimay nolosha dambe," Dr Hafsa Lukwata, oo ah guddoomiyaha wasaaradda caafimaadka ee caafimaadka dhimirka, khamriga iyo maandooriyaha, ayaa u sheegtay BBC.

Hafsa ayaa intaas waxay ku dartey: "Waxaa jiray qeylo dhaan dadweyne oo ku saabsan xadgudubka mukhaadaraadka ee dhalinyarada, waana sababta aan ula wacaalayno".

Baarlamaanka ayay ka dhawaajisay in uu ka doodi doono xaddidaadda da'da, iyo tallaabooyin kale, sharciga ka hortagga khamriga ee dhawaan la soo bandhigi doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM