DR Congo: Dhakhtar daweyn jiray dumarka la kufsada oo u tartamaya Madaxweyne

Image

DR CONGO - Denis Mukwege oo u dhashay DR Congo, oo ah khabiir ku takhasusay qaliinka haweenka oo ku guuleystay abaalmarinta Nobel Prize 2018, ayaa ku dhawaaqay tartan madaxtinimo Isniinta ka hor doorashada dalka bartamaha Afrika ku yaalla, oo la qorsheeyay December.

Isaga oo 68-jirkan la hadlayay goob ay dad badan isugu yimaadeen oo ku yaalla caasimadda Kinshasa, waxa uu taageerayaashiisa u sheegay inuu u taagan yahay sidii loo joojin lahaa amni-darrada iyo hoggaan-xumada.

“Waxaan ogolahay inaan noqdo musharaxa madaxweynaha jamhuuriyadda,” ayuu u sheegay dadkii isugu soo baxay.

Mukwege ayaa si wada jir ah loo guddoonsiiyay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel 2018 isaga iyo Yazidi Nadia Murad oo sameeyay dadaallada lagu joojinayo xadgudubyada galmada oo ah hub dagaal loo adeegsado.

Dhaqtarkan hormuudka u ah ayaa aasaasay Isbitaalka Panzi iyo Foundation oo ku yaalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ee ay colaaduhu halakeeyeen ka dib markii uu arkay dhaawacyada iyo cudurrada naxdinta leh ee soo gaaray dhibanayaasha kufsiga.

Daraasiin maleeshiyo ah ayaa burburiyay bariga DRC muddo sanado ah, taasoo dhaxal u ah dagaalladii gobolka ee socday 1990-meeyadii iyo 2000-meeyadii.

Mid ka mid ah maleeshiyadaas, M23, ayaa qabsaday dhul badan tan iyo markii ay qaadeen weerarka dabayaaqadii 2021-kii. Wuxuu daweeyay 50,000 oo la kufsaday.

Diseembar 20-keeda waxaa DRC ka dhici doonta doorashada baarlamaanka iyo tan madaxweynaha. Madaxweynaha hadda talada haya ee Felix Tshisekedi ayaa mar kale u tartamaya doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM