Duqa magaalada ugu weyn Koonfur Afrika oo xilka iska casilay

Image

JOHANNESBURG, Koonfur Afrika – Duqa magaaladda ugu weyn Koonfur Afrika ee Johannesburg ayaa wuxuu isu casilay "hab-dhaqanka taariikhiga ah ee faquuqa iyo sinaan la'aanta ee xisbigiisa".

Xilka duqa magaaladda ayaa waxaa haystay xisbiga ugu weyn Mucaaradka ee Democratic Alliance [DA].

"Ruuxadeyda lama heshiin karto koox dad ah oo rumeysan in midabka uusan khuseyn wada hadalka sinaan la'aanta iyo faqriga ee Koonfur Afrika," ayuu Herman Mashaba Axadii u sheegay warbaahinta.

Mashaba ayaa sidoo kale isaga baxay xisbiga DA, kaasoo xubinihiisa ay badankooda yihiin cadaanka dabaqadda dhexe ah.

Mashaba oo xafiiska loo doortay 2016-kii ayaa noqday duqii ugu horeeyay ee aan kamid ahayn xisbiga taladda haya ee ANC tan iyo sanadkii 1994.

Milyineerkan 60-sano jirka ah, kaasoo shirkadiisa ay soo saarto dhimaha madow, ayaa ahaa mid kamid ah siyaasiyiinta ugu caansan xisbigaas.

Balse ka bixitaankiisa Axadii ayaa ka dhigan in uusan sii ahaan doonin Duqa magaaladaas muhiimka u ah dalkan sooyaalka u leh isku dhacyadda qowmiyahadaha cadaanka iyo madowga.

Siyaasigan ayaa go’aankiisa ku sababeeyay in hogaamiyihii hore ee DA, Helen Zille, loo doortay Gudoomiyaha Golaha Federaalka Xisbiga.

DA ayaa waxaa hareeyay loolan dhanka awooda ah oo u dhaxeeya qaar kamid ah bud-dhigeyaasha ugu saameynta badan xisbigaas.

Xisbiga DA oo war-saxafadeed soo saarey ayaa iska fogeeyay dhamaan eedeymaha Mashaba, waxayna ku adkeysteen in aysan u dhutin doonin bixitaankiisa oo ay kasoo qeedeen "wax aan macno lahayn".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo qorsheynaya inuu ka qaado cunaqabataynta dalka Eritrea xilli ay taagan tahay xiisadda Badda Cas

Sannadkii 2021-kii, maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa cunaqabatayn baahsan saaray xisbiga talada haya ee Eritrea.

  • Afrika

    06-05-2026

  • 12:25PM

Muhaajiriinta Afrikaanka ah ee ku nool South Africa oo wajahaya cabsi iyo weerarro ajnabi-nacayb ah

Dawladda Nayjeeriya ayaa durba bilowday qorshe ay dib ugu celinayso muwaadiniinteeda doonaya inay dalka ka baxaan.

  • Afrika

    06-05-2026

  • 12:13PM