Ebola oo bukaankii ugu horeeyay ku dilay caasimada Uganda

Image
Dalka Uganda waxaa laga helay 54 xaaladood oo la xaqiijiyey balse horey geeri loogama diiwaangelin magaalada.

KAMPALA, Uganda - Qof qaba cudurka Ebola ayaa ku dhintay isbitaal ku yaalla caasimadda Uganda, sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka.

Wuxuu ahaa dhibbanihii 19-aad ee cudurka dilaaga ah ee horey u dillaacay laakiin ugu horreeyay ee ku dhintay Kampala.

Dalka Uganda waxaa laga helay 54 xaaladood oo la xaqiijiyey balse kuwa kale laguma diiwaangelin magaalada.

Labaatan qof ayaa ka soo kabsaday oo ay ku jiraan shan dhakhtar oo cusbitaalkii ugu horreeyay ee kiis lagu daweeyay. Waxaa la fasaxay Talaadadii.

Qofka ku dhintay Kampala ayaa horay ay mas’uuliyiintu u garanayeen inuu la xiriiro fayraska.

Ebola waxa uu ku fidaa bini'aadamka marka uu si toos ah ula taabto dareeraha jidhka iyo meelaha wasakhaysan. Aaska waxay noqon kartaa khatar gaar ah haddii dadka ay xidhiidh toos ah la yeeshaan jidhka.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa meesha ka saaray xannibaado, isagoo yiri: "Ebola uma fido sida corona[virus]" maadaama uusan ahayn cudur hawada laga qaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM