Ebola: Uganda oo ka noqotey hadal kasoo yeeray Museveni

Image
Fayruskan khatarta badan ayaa kusii faafaya goobo horleh taasoo walwalka ku kordhisay shacabka.

KAMPALA, Uganda - Xayiraad soconeysa muddo saddex toddobaad ah ayaa looga dhawaaqay laba degmo oo ka tirsan Uganda, iyadoo dalkaas uu la dagaallamayo cudurka khatarta badan ee Ebola.

Baararka, goobaha lagu caweeyo, goobaha cibaadada iyo madadaalada ayaa la xiri doonaa magaalada Mubende iyo degmada la deriska ah ee Kassanda, waxaana uu dhaqan galayaa bandow.

Talaabadan ayaa ah mid isbedel ku noqonaysa Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo horay u sheegay in aan loo baahneen talaabooyin noocaan oo kale ah.

Faafitaankan u dambeeyay oo heegan geliyey wadamo ay ku jirto Soomaaliya ayaa sababay dhimashadda 19 qof oo ka mid ah 58 xaaladood oo la diiwaan geliyay.

Si kastaba ha ahaatee, tirada dhabta ah ee dhimashada iyo kiisasku way ka badnaan kartaa maadaama dowladda Uganda ay aad u xakameyso macluumaadka la xiriira fayruska.

Cudurkan ayaa horaantii Sebtembar ka bilowday deegaanka Mubende, oo qiyaastii 80km (50 mayl) u jirta caasimadda Kampala, waxaana uu weli xudunta u yahay cabsi taagan.

Madaxweyne Museveni ayaa horey meesha uga saaray xiritaanka dadka, isagoo sheegay in Ebola uusan ahayn fayras hawada laga qaado sidaa darteed loo baahneyn tillaabooyinka la midka ah Covid-19.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM