Eritrea oo weli ka aamusan heshiiska Itoobiya iyo Tigreega

Image

NAIROBI, ( GO) - Waxaa aad isu soo taraya walaaca laga qabo aamusnaanta dowladda Eritrea ee ku aaddan heshiiskii dhowaan dhex maray dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Tigreega, xilli ciidamada Eritrea ay si weyn ugu lug lahaayeen dagaalka Itoobiya.

Madaxa wada xaajoodka Itoobiya Ridhwaan Xuseen ayaa isaga oo aanan Eritrea toos magaceeda u sheegin ayaa yiri “Waxaan galnay heshiis nabadeed oo saamaynaya dhinac sedexaad oo aanan heshiiska ku faraxsanayn”.

Wuxuu Ridhwaan sheegay in dagaalka Itoobiya dhexdeeda ah uu suurtogaliyay in lagu soo xad gudbo qaranimada dalkaasi oo dowladdo kale ay qas ka dhex sameeyaan. Ma uusan sheegin cidda uu ka hadlayo.

Eritrea ayaanan qeyb ka ahayn heshiiska xabad joojinta waarta ee ay gaareen Itoobiya iyo TPLF. Lamana oga sababta ay uga aamusantahay xilli ciidamo badan oo dalkaasi ka socda ay ku suganyihiin gudaha Itoobiya.

Eritrea iyo Itoobiya ayuu dhex maray dagaal qaatay muddo 2 sano ah oo socday intii u dhaxaysay 1998-dii illaa 2000, kaas oo ay ku dhinteen wax ka badan hal milyan oo askar.

Heshiis ka dhacay dalka Aljeeriya oo Midoowga Afrika uu garwadeen ka ahaa ayaa Eritrea loogu go’aamiyay in ay leedahay magaaladii muranka ka biloowday ee Baadhame, balse xukuumaddii Males Zanawi oo ahaa hoggaamiye kasoo jeeday qoowniyadda Tigreega iyo jabhadda TPLF ayaa diiday in uu heshiiskii fuliyo. Dr Abiy Axmed , ra’isulwasaaraha Itoobiya ayaa fuliyay heshiiskii Aljeeriya, Eritrea ku wareejiyay dhulkii loo xukmiyay.

Wuxuu dib boorka uga jafay xiriirkii labada dal, isaga oo booqashooyin badan ku tagay Casmara, markii dambana Eritrea ayaa ciidamo ku caawisay si gacan uga siiso dagaalkii Tigreega la galay.

Markale waxaa hadda yimid heshiis nabadeed oo Midoowga Afrika garwadeen ka tahay oo Itoobiya dhexdeeda ah, balse Eritrea oo loo fuliyay heshiiskii hore ayaa hadda loo malaynayaa in ay xagal kale ka aragto heshiiska cusub.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM