Ethiopia: In ka badan 100 caruur ah oo lagu dilay weerar

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - UNICEF ayaa sheegtay in ay aad uga welwelsan tahay dilka la sheegay in ka badan 200 oo qof, oo ay ku jiraan in ka badan 100 carruur ah, loogu geystay weerarradii lagu qaaday qoysas barakacayaal ah oo gabaad ka dhiganayay xarun caafimaad iyo iskuul ku yaal gobolka Canfarta Khamiistii, 5-tii bisha Ogosto.

"Cuntooyinkii muhiimka ahaa ayaa sidoo kale la sheegay inay ku burbureen aag ay durba ka muuqato heerar degdeg ah oo nafaqo -darro iyo cunno -yari ah," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay agaasimaha Fulinta ee UNICEF, Henrietta Fore.

Kororka dagaallada ka socda Canfarta iyo deegaannada kale ee deriska la ah Tigray, ayaa, sida ku cad bayaanka, masiibo ku ah carruurta. "Waxay daba socotaa colaado hubaysan oo bilooyin ka socday Tigray taasoo u horseeday 400,000 oo qof, oo ay ku jiraan ugu yaraan 160,000 carruur ah, xaalado macaluul u eg," ayay ku dareen.

Sida ku cad qoraalka, Afar milyan oo qof ayaa ku jira dhibaatooyin ama heerar degdeg ah oo cunto yari ah oo ka jirta Tigreega iyo gobollada ku xeeran ee Canfarta iyo Amxaarada. In ka badan 100,000 ayaa dhowaan "ku barokacay dagaalladii ugu dambeeyay, iyagoo ku daraya 2 milyan oo qof oo hore looga barakiciyay guryahoodii".

UNICEF ayaa qiyaastay koror 10 laab ah tirada carruurta la ildaran nafaqo-xumada nolosha ee Tigray 12ka bilood ee soo socda. "Dhibaatada cuntada iyo nafaqada ayaa dhacda iyadoo si baaxad leh oo nidaamsan loo burburinayo caafimaadka iyo adeegyada kale ee carruurta iyo jaaliyaduhu ku tiirsan yihiin si ay u noolaadaa," ayay xustey.

"Iyada oo la kaashaneysa Xafiisyada Gobolka iyo la -hawlgalayaasha bani'aadamnimada, UNICEF waxay u direysaa sahay degdeg ah iyo kooxaha caafimaadka iyo nafaqada guurguura ee ku baahsan waqooyiga Itoobiya si ay u bixiyaan gargaar degdeg ah," ayaa raaciyey.

Ugu dambeynti, UNICEF ayaa xalka "musiibadda bini'aadanimo" waxay ku sheegtay ay tahay in dhinacyadda ay ka baaqsadaan colaada hubeysan. "Iskusoo wada duuboo, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay sameeyaan wax walba oo karaankooda ah si looga ilaaliyo carruurta waxyeello," ayaa lagu soo xiray warka qoraalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Lixaad Ku Guuleystay Doorashada Jabuuti

Wax yar kadib markii natiijooyinka hordhaca ah la shaaciyay, Guelleh oo 78 jir ah ayaa ku qoray “Reelected” bartiisa ku taal X.

  • Afrika

    11-04-2026

  • 12:44PM