Ethiopia oo diyaarisay weerar aargoosi oo ka dhan ah Al Shabaab

Image

ADDIS ABABA - Taliska ciidamada Itoobiya ayaa ka hadlay weerar dhabagal ah oo ay Al Shabaab Jimcadii, 18-ka bishaan, kula beegsatay askartooda qayb ka ah AMISOM aaga Mooda-mooday ee duleedka Buur Hakaba oo ka tirsan gobolka Baay.

Weerarka oo dhashay dagaal fool ka fool ah ayay Al-Shabaab sheegatay inay ku dishay ku dhowaad 60 askar.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in weerarka looga dhaawacay saddex askari, xili gaashaanka loogu daruuray sheegashada ka timid kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka, Itoobiya ayaa diyaarinaysa duulaan aargoosi ah kaasi oo jawaab ah midka ay Al-Shabaab ku beegsatay Kolanyada ciidamada Itoobiyaanka ah.

Ciidamada Itoobiya ayaa labo waji ku jooga Soomaliya – Mar waxay qayb ka yihiin howlgalka nabad-illaalinta midowga Afrika ee AMISOM, marna waxay leeyihiin talis madaxa banaan oo howlgala dalka.

Dhanka kale, war kasoo baxay taliska AMISOM ayaa lagu xusay in weerarka ay ku dileen afar kamid ah dagalamayaasha Al-Shabaab.

Kolanyada Itoobiyaanka ah ee la qarxiyay ayaa kasoo baxay gudaha saldhiga Buurhakaba, waxayna kusoo wajah-naayeen magaalada Baydhabo ee xarun goboleedka Bay iyo tan KMG maamulka Koonfu Galbeed.

Bishii October ee 2018 ayay ahayd markii Al-Shabaab ay tilmaamtay inay dishay 30 kamid ah ciidamada Itoobiya kadib weerar jidgal ah.

Isla bishaan, ciidanka cirka ee Itoobiya ayaa sheegtay inay weerar cirka ah ku dileen 70 kamid ah xubnaha Al-Shabaab, oo isku deyay inay duulaan kusoo qaadaan saldhig ay ku sugnaayeen xoogaga dalkaan aan Badda lahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM