Ethiopian Airlines oo soo celisay duulimaadyada gobolka Tigray

Image
Duulimaadyadii ay ku tagi jirtay gobolka ayaa la hakiyey toddobaadyo kadib markii uu ka qarxay dagaalka.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ethiopian Airlines ayaa shaacisay inay dib u bilaabi doonto duulimaadyo maalinle ah oo ay ku tagi jirtay magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigray kadib heshiiska nabadeed ee Midowga Afrika uu dhexdhexaadiyey.

Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ayaa sheegtay in ay duullimaadyo maalinle ah shaqayn doonto laga bilaabo Arbacada ayna kordhin doonto tirada duullimaadyada maalinlaha ah balse ay ku jaangoyn doonto baahida.

Duulimaadyadii ay ku tagi jirtay gobolka ayaa la hakiyey toddobaadyo kadib markii uu ka qarxay dagaalku u dhexeeyay ciidammada federaalka Itoobiya iyo Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigrayga Noofambar 2020.

Hadal uu soo saaray madaxa shirkadda diyaaradaha Mesfin Tasew ayuu ku caddeeyay in dib u soo celinta duullimaadyadu ay ka caawin doonto qoysaska inay isku xirmaan sidoo kalena fududeeyaan ganacsiga iyo dalxiiska.

Baaritaan uu sameeyay CNN sanadkii hore ayaa ku eedeeyay diyaaradda Ethiopian Airlines in ay soo daabushay ciidamo iyo hub si ay ula dagaalanto fallaagada Tigrayga.

Shirkadda ayaa beenisay eedeymahaas, waxayna sheegtay in cadeymaha sawirka la sameeyay ay yihiin kuwa lasoo dhoodhoobay. Balse, dharbaaxadaas waxay saameysay sumcadeeda.

Dib u bilaabashada duulimaadka ee lagu dhawaaqay ayaa imanaysa maalin uun ka dib markii saraakiisha Itoobiya ay gaareen caasimadda Tigray ee Mekelle markii ugu horreysay muddo ku dhow laba sano si loo fuliyo heshiiskii nabadeed ee November.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM