Fahfaahin ku saabsan Dhulgariirka Kenya

Image

NAIROBI - Dhulgariir ayaa caawa abaare 7pm laga dareemay magaalooyinka Nairobi, Nyeri, Mombasa, Machakos, Makueni iyo Kiambu ee dalka Kenya, kaasi oo shacabka cabsi badan ku abuuray.

Sida laga soo xigtay shabakadda [www.earthquaketrack.com], dhulgariirka oo cabirkiisu gaarayay a 4.8 magnitude ayaa ku dhuftay sidoo kale magaaladda Wundanyi ee gobolka Taita Taveta 7.21pm.

Dhulgariirka oo ahaa mid aan xoog laheyn, ayaa socda mudo ilbiriqsiyo ah, iyadoo saraakiisha dalka Kenya ay sheegeen inuusan jirin wax khasaaro ah oo laga soo wariyay meelaha uu ku dhuftay.

Wararka ayaa sheegaya in gobollada qaar ay korontadii ka tagtay, waxaana hay'adda cimiladda qaranka Kenya ay sheegtay in xaaladda ay caadi kusoo laabatay dhulgariirka kadib.

Soomaalida ku nool xaafadda Islii ee magaaladda Nairobi ayaa kasoo baxay dabaqyada dhaadheer ee ay degan yihiin cabsi ay ka qabeen inay kusoo dumaan, iyadoo ku abuurmay welwel xooggan iyo argagax.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Axmed: Itoobiya waxay noqotay maxbuus juqraafiyeed 

Itoobiya ayaa badeedii waysay markii Eritrea go'day 1993, iyadoo tallaabadaasi ay hadda ka shaleynayaan madaxda talada haysa.

  • Afrika

    14-08-2026

  • 12:10PM

Sudan: RSF oo sheegatay inay si buuxda ula wareegtay magaalo u dhow xadka Itoobiya

Dowladda Sudan ayaa sidoo kale Itoobiya ku eedeysay inay fududeyneyso taageero milatari oo Imaaraadka Carabta uu siinayo RSF.

  • Afrika

    13-08-2026

  • 04:50PM