Fanaan dharbaax ku dhuftey sarkaal boolis oo xabsi loo dhigay

Image
Xidigan caanka ku ah heesaha Afrobeat-ka ayaa maxkamad lasoo taagayaa Talaadada todobaadka dambe.

NAIROBI, Kenya - Fanaanka da'da yar ee qaada heesaha Afrobeat ee Fela Kuti ayaa la amray in xabsi lagu haayo muddo 48 saacadood kadib markii lagu eedeeyay in uu dharbaaxay sarkaal boolis.

Seun Kuti, oo 40 jir ah, ayaa lagu waramay in uu qirtey fal-dambiyeedka. Xidigan ayaa waxaa loo arkaa fanaanta hormuudka u ah heesaha loo yaqaano Afrobeat.

Todobaadkii hore, warbaahinta Nigeria ayaa soo xigatay fanaanka in uu yiri: "Waxay ahayd in aan ficil sameeyo, sababtoo ah ninka booliiska ah wuxuu isku dayay inuu dilo aniga iyo qoyskayga".

Kuti oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas kusii daray: "Wuu iga raali galiyay, waxaana ogolaaday inaan wax dacwad ah lagu soo oogin". Balse, ma uusan soo bandhigin wax caddeyn ah.

Taliyaha booliiska ayaa amar ku bixiyay in la xiro Kuti Sabtidii todobaadkan, sidda ay daabacdey warbaahinta maxaliga ah, waxaana fannaanku uu isasoo dhiibay Isniintii asbuucan.

Talaadadii, waxa uu ka soo hor muuqday Maxkamadda Magaalada Lagos ee Yaba, taasoo u dirtay in lagu sii hayo xabsiga muddo 48 saacadood ah, ka dibna lagu sii dayn karo.

Kiiska ayaa dib loo dhigay ilaa Talaadada soo socota waqtigaas oo la rajeynayo in maxkamadda ay soo saarto go'aankeeda kama dambeysta ah kaasoo u badan in uu noqdo ganaax lacageed ama xabsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya Oo Ku Baaqday In Midowga Yurub Mudnaanta Siiyo La-dagaallanka Al-Shabaab

Kenya ayaa si xooggan u dalbanaysa in Midowga Yurub uu dib u eegis ku sameeyo istaraatiijiyaddiisa.

  • Afrika

    22-09-2025

  • 02:18PM

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM