Fanaan dharbaax ku dhuftey sarkaal boolis oo xabsi loo dhigay

Image
Xidigan caanka ku ah heesaha Afrobeat-ka ayaa maxkamad lasoo taagayaa Talaadada todobaadka dambe.

NAIROBI, Kenya - Fanaanka da'da yar ee qaada heesaha Afrobeat ee Fela Kuti ayaa la amray in xabsi lagu haayo muddo 48 saacadood kadib markii lagu eedeeyay in uu dharbaaxay sarkaal boolis.

Seun Kuti, oo 40 jir ah, ayaa lagu waramay in uu qirtey fal-dambiyeedka. Xidigan ayaa waxaa loo arkaa fanaanta hormuudka u ah heesaha loo yaqaano Afrobeat.

Todobaadkii hore, warbaahinta Nigeria ayaa soo xigatay fanaanka in uu yiri: "Waxay ahayd in aan ficil sameeyo, sababtoo ah ninka booliiska ah wuxuu isku dayay inuu dilo aniga iyo qoyskayga".

Kuti oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas kusii daray: "Wuu iga raali galiyay, waxaana ogolaaday inaan wax dacwad ah lagu soo oogin". Balse, ma uusan soo bandhigin wax caddeyn ah.

Taliyaha booliiska ayaa amar ku bixiyay in la xiro Kuti Sabtidii todobaadkan, sidda ay daabacdey warbaahinta maxaliga ah, waxaana fannaanku uu isasoo dhiibay Isniintii asbuucan.

Talaadadii, waxa uu ka soo hor muuqday Maxkamadda Magaalada Lagos ee Yaba, taasoo u dirtay in lagu sii hayo xabsiga muddo 48 saacadood ah, ka dibna lagu sii dayn karo.

Kiiska ayaa dib loo dhigay ilaa Talaadada soo socota waqtigaas oo la rajeynayo in maxkamadda ay soo saarto go'aankeeda kama dambeysta ah kaasoo u badan in uu noqdo ganaax lacageed ama xabsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM