Fanaan iyo saaxiibkiis oo iyagoo bandhig kusii jeeda la khaarijiyey

Image
Kooxda toogashadda geysatay ayaa goobta isaga baxsaday iyagoo lugeynaya. Ma cadda sababta loo beegsaday.

CAPE TOWN, South Africa - Mid ka mid ah fanaaniinta hormuudka ka ah heesaha raabka ee Koonfur Afrika, loona yaqaan AKA, ayaa waxaa lagu toogtay bannaanka hore ee maqaayad ku taal magaaladda xeebta ah ee Durban.

Kiernan Forbes waxaa lala dilay saaxiibkiis ugu dhowaa, cunto kariyihii iyo ganacsade Tebello 'Tibz' Motsoane, sidda laga soo xigtey wrbaahinta maxaliga ah ee waddankan.

Labadan qof ayaa loo malaynayaa inay u socdeen goob lagu caweeyo oo ay ku soo bandhigi lahaayeen bandhig faneed qayb ka ah dabaaldegga dhalashada Forbes.

Illaa haatan, ma jirto koox sheegatay mas'uuliyada dilkan. Waxaa la baarayaa sababta khaarijinta ka dambeysay. Kooxda toogashadda geysatay ayaa ka dib goobta isaga baxsaday iyagoo lugeynaya.

Motsoane, oo sidoo kale ahaa maareeyihii hore ee AKA, ayaa qoraal uu soo dhigay ciwaankiisa gaarka ah ee baraha bulshadda waxa uu fanaanka ku tilmaamay "nin akhyaar ah".

Koonfur Afrika oo kamid ah dalalka ugu dhaqaalaha sareeya qaaradda ayaa ka mid ah wadamadda ugu badan ee dilalka noocaan ah ay ka dhacaan caalamka, iyadoo toogashadu aysan ahayn wax aan caadi ahayn.

Hay’adda madaxa-banaan ee Gun Free South Africa, oo ka shaqeysa yareynta rabshadaha Hubka ee ka dhaca dalkaasi, ayaa ku qiyaastay in 30 qof lagu dilo gudaha dalkaasi maalin kasta. Tani waa xaalad khatar ah oo xal u baahan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM