Faransiiska oo ku amray safiirkoodii in uu sii joogo Niger

Image

NIAMEY, Niger - Wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa ku dhawaaqday maanta in madaxada ka dambeysa afgambiga Niger "aysan lahayn awood" ay ku cayriyaan safiirka Faransiiska ee ku sugan Niamey.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay, "Waxaan si joogto ah u qiimeyneynaa badqabka shaqaalaha safaarada iyo xaaladaha ay ku shaqeyso."

Ciidamada Milatariga ee talada dalka Niger la wareegay bishii hore ayaa sheegay in safiirka Faransiiska u fadhiya Niger Sylvain Eit uusan hadda heysan xasaanad dublamaasiyadeed, booliskana lagu amray inay dalka ka saaraan.

Jimcihii, golaha militariga ayaa ku amray safiirka inuu dalka uga baxo 48 saacadood gudahood, taasoo jawaab u aheyd falalka ay ku kacday dowladda Faransiiska, oo ay ku sheegeen inay ka hor imaanayaan danaha Niger.

Goluhu wuxuu bayaan uu soo saaray 29-kii August ku sheegay in la joojiyay fiisihii Safiirka iyo qoyskiisa. Waxaana xaqiijiyay dhab-ahaanshiyaha hadalkaas Sarkaal u hadlay golaha milateriga

Goor sii horreysay, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in safiirku uu sii joogi doono Niger in kasta oo uu cadaadis kala kulmay golaha milateriga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aamusnaanta Midowga Afrika ee qorshaha Masar ay ciidamo ugu dirayso Soomaaliya oo su’aalo dhalisay

Qorshaha ciidamada Masar ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli ay sii xoogaysanayaan loollanka istaraatiijiyadeed ee Masar iyo Itoobiya.

  • Afrika

    26-10-2026

  • 05:20AM

Ruushka oo Uganda siinaya taageero milatari oo dhan $53 milyan

Qalabkan ayaa la filayaa inuu sare u qaado awoodda ciidamada Uganda ee ilaalinta biyaha iyo ka jawaabista xaaladaha amni.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:58AM