Gambia: Askar maleegtey isku-day afgembi dhicisoobay oo la xiray

Image
Dalka ayaa kasoo kabanaya in ka badan labaatan sano oo kali-talisnimo iyo xadgudubyo bini'aadanimo.

BANJUL, Gambia - Mas'uuliyiinta Gambia oo fashiliyay isku day afgambi oo cutubyo milatari sameeyeen militariga ayaa xiray afar askari oo qorsheynayay inay ridaan madaxwayne Adama Barrow, sidda ay sheegtay dowladda Arbacadii.

"Milateriga Gambia ayaa xiray afar askari oo lala xiriirinayo inqilaabka la sheegay kadib howlgal ay ciidamadu sameeyeen Talaadadii," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xukuumadda.

Isku-dayadda afgambiga ayaan ku cusbayn Gambia, oo ah waddan yar oo galbeedka Afrika ku yaala laguna qiyaaso in dadkiisu ay gaarayaan 2.5 milyan waxaana ku hareereysan Senegal.

Dalka ayaa kasoo kabanaya in ka badan labaatan sano oo uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Yahya Jammeh oo lagu eedeeyay kali-talisnimo iyo xadgudubyo dhanka xuquuqda aadanaha.

Jammeh qudhiisa ayaa afgambi xukunka kula wareegay sanadkii 1994-kii, waxaana uu fashiliyay isku dayo dhowr ah oo lagu doonayay in xukunka looga tuuro ka hor inta uusan ku guuleysan doorasho dabayaaqadii 2016-kii oo uu ku guuleystay Barrow.

Guusha Barrow ayaa si weyn loogu arkayey mid sare u qaadaysa dimuqraadiyadda, in kasta oo ay jirtay niyad-jabka sii kordhaya ee xukuumaddiisa ku aaddan sida ay ugu guul-darraysatay in ay wax ka qabato saboolnimada iyo sare u kaca kharashka nolosha.

"Ciidanka ayaa ku raad jooga saddex kale oo lagu eedeeyay in ay gacan ka geysteen, waxaana socda baaritaannada," ayay raacisay dowladda. Ma jiro wax tafaasiil ah oo ku saabsan in isku dayga afgambiga uu xiriir la lahaa dowladdii hore.

Siddeed askari oo hore, oo uu hogaaminayay mid ka mid ah gacanyarayaashii hore ee militariga Jammeh, ayaa qorsheeyay inay afgambiyaan Barrow sanad ka dib markii uu xukunka qabtay. Waxaa lagu riday xukuno xabsi sanadka 2019-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM