Ganacsade Soomaali ah oo burcad internet si la-yaab leh lacag badan uga dhacday

Image

NAIROBI, Kenya - Faarax Bashiir oo ah Ganacsade Soomaali ah oo ku nool Kenya ayaa saacado gudahooda akoonkiisa bangiga iyo SimCard-kiisa Safaricom loogala baxay lacag gaareysa $22,600 February 7 iyo February 9.

Faarax oo 58 jir ah ayaa waxaa dhacay burcad internet oo helay xogta SimCard-kiisa iyo Akoonkiisa bangiga Absa Bank kadib markii fariimo laga soo diray meel aan ahayn Shirkadda Safaricom iyo Bangiga.

Markii xogtiisa ay burcadda Internet-ka heleen, Lacagtii ugu jirtay M-Pesa iyo Absa Bank ayaa isagaa indhaha ka dawaanaya loogala baxay xili uu ku sugnaa magaaladda Johannesburg bishii February 2022.

Qaladka ugu weyn ee uu sameeyay Bashiir ayaa ahaa inuu iska indha-tiray digniino ay usoo direen bangiga iyo Shirkadda Safaricom oo ku wargeliyey inuusan ka jawaabin burcadda Internet-ka [hackers].

Bashiri ayaa sheegay in Isla markiiba fariin u diray Absa bank, isaga oo u sheegay dhibka jira, waxaana uu bedelay furaha sirta ah ee akoonkiisa [Password], balse taasi kama celin burcadda dhaca lacagta.

Burcadda ayaa akoonkiisa bangiga dollar-ka ku jirtay $17,451. Waxa ay ahayd saqdii dhexe 8-dii Bishan. Kadib dhawr daqiqiadood, waxay tuugadu bilawday in ay la baxdo $936, waxa ku xigay $4,680, $3,650, S$4,680, $936, $1,872, $561, $121, $9.36, $4.68, iyagoo uga taga akoonka US$0.12 oo kaliya.

Burcadda ayaa lacagta ku wareejistay bangi kale kadibna kala baxay inta aan laga daba imaan, waxaana la ogeyn dadkan wadanka ay joogaan iyo sida ugu suurta-gashay inay Bashiir ogaadaan lacagta uu haysto halka ugu jirto.

Nasiib wanaag, dadaal dheer kadib Absa bank ayaa Bashiir u badbaadiyay $5,000 oo dollar oo kaliya waxaana loogu shubnay lacagta akoonkiisa 7-dii March, iyadoo lacagihii kale lasoo celin waayay.

Waxaa hadda Bashiir ka maqan $17,600, oo rajo laga qabin in lasoo celiyo.

Hotel-kii uu deganaa ayaa mudo maalmo ah ku dhex gaajeysanayaa oo cunto u ahaa Caanaha Fadhiga [Yoghurt] iyo Buskud, oo qolada hotel-ka siinaysay, illaa qoyskiisa lacag uga soo dirayeen, taasoo uu dib ugu soo laabtay Kenya.

Baaritaano ay sameeyeen Baniga Absa iyo Safaricom ayaa lagu ogaaday in lacagaha lagu xawilay laba bangi oo kale iyo M-Pesa. Bankiga ayaa sheegay in sidoo kale ay ogaadeen inay jirtay Sim Card kala bedelasho ah taasi oo soo dadajisay in lacagahaasi la wareejiyo, waxaana uu Mr Bashiir u gudbiyay Bankiga dhacdadan, taasoo durbadiiba dabagal ku sameysay Bangiyadii lacagaha lagu diray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM