Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Image
Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan falka dilka ah ee dhacay.

MUQDISHO, Soomaaliya – Kooxo burcad ah ayaa xalay wadanka Koofur Afrika ku dishay muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dhalinyarada u shaqa doonatay wadankaasi ee sida weyn loo yaqaanay wadankaas.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Xasan (Balaakii), ayaa dilkiisu ka dhacay deegaanka Nyanga oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalkaasi Koonfur Afrika, waxaana la sheegay in burcada ay rasaas dhowr xabo ah kaga dhufteen qeybaha sare ee jirka, taasoo keentay inuu isla goobta ku geeriyoodo.

Arrinta la yaabka leh ayaa ah in kooxihii falkan ka dambeeyay ay dilka kadib goobta isaga tageen iyagoo wax dhac ah aaney u geysan muwaadinka Soomaaliga ah ee ay dileen oo ku ganacsanayay gaari uu ku wareejin jiray Rootiga.

Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan falka dilka ah ee dhacay balse majiraan dad loo soo qabtay dhacdadaan oo caadi ka aheed wadankaan mudo dheer.

Urur ay ku midaysanyihiin ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaan ayaa cambaareeyay weerarada aan kala joogsi lahayn ee lagu beegsanayo ganacsato Soomaaliyeed.

Waxa uu intaasi ku dareen in wax laga xumaado ay tahay in tuugta ay beegsadaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, isla markaana maamulka deegaanka aysan ka hadlin arrintaasi.

Soomaali badan oo nolol  ka wanaagsan mida dalkooda u raadsaday Koofur Afrika ayaa si joogto ah ula kulma weeraro iskugu jira dil, dhawaac iyo dhac aan loo aaba yeellin halka maamulada deegaankana ay ku guuldaraysteen in ay wax ka qabtaan dhibaatada lagu haayo soo galootiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM