Ganacsatada Kenya oo Soomaaliya Jaadka uga keena Itoobiya

Image
Jaadka ayaa kamid ah waxyaabaha ay macaashka maaliyadeed ee ugu badan ay ka hesho dowladda Kenya.

NAIROBI, Kenya - Ganacsatrada Kenya ee qaadka geeya Soomaaliya ayaa sheegay in 40% qoondada jaadka ee 19-ka tan ah ee loo jaangooyay in ay Soomaaliya geyn karaan maalinkii ay kasoo iibiyaan dalka Itoobiya.

Talaabadan ayaa, sidda ay sheegeen qaar kamid ah ganacsatadan, waxay si toos ah ula xiriirtaa canshuuraha iyo qarashaadka dheeraadka ah ee ay kala kulmaan Kenya.

Guddoomiyaha ururka Nyamita, Kimathi Munjuri, ayaa xusay in halkii kiilo oo qaad ah oo ay ka dhoofinayaan garoonka Jomo Kenyatta laga qaado lacag ku dhow $5 doolar.

Sida laga soo xigtey Nyamita, lacagtaas ayaa waxaa la siiyaan muqalisiin Nairobi ku sugan, taas oo ku dhacda jeebka mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Nyamita ayaa waxa uu sheegay in qiimaha sare ee Kenya awgiis ay hadda qeyb ahaan qaadka ka keenaan Itoobiya, kadibna u iib geeyaan Soomaaliya.

Balse mas’uul u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay in ay xalinayaan cabashada ganacsatada qaadka Kenya, wixii hadda ka dambeeyana lafududeyn doono hawlahooda.

Qaadka ayaa kamid ah waxyaabaha ay macaashka maaliyadeed ee ugu badan ay ka hesho dowladda Kenya. Sidoo kale, dowladda Soomaaliya waxay ka faa'iidaa in ay cashuur badan oo maalinle ah ay ka qaado Jaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM