Ganacsatada Kenya oo Soomaaliya Jaadka uga keena Itoobiya

Image
Jaadka ayaa kamid ah waxyaabaha ay macaashka maaliyadeed ee ugu badan ay ka hesho dowladda Kenya.

NAIROBI, Kenya - Ganacsatrada Kenya ee qaadka geeya Soomaaliya ayaa sheegay in 40% qoondada jaadka ee 19-ka tan ah ee loo jaangooyay in ay Soomaaliya geyn karaan maalinkii ay kasoo iibiyaan dalka Itoobiya.

Talaabadan ayaa, sidda ay sheegeen qaar kamid ah ganacsatadan, waxay si toos ah ula xiriirtaa canshuuraha iyo qarashaadka dheeraadka ah ee ay kala kulmaan Kenya.

Guddoomiyaha ururka Nyamita, Kimathi Munjuri, ayaa xusay in halkii kiilo oo qaad ah oo ay ka dhoofinayaan garoonka Jomo Kenyatta laga qaado lacag ku dhow $5 doolar.

Sida laga soo xigtey Nyamita, lacagtaas ayaa waxaa la siiyaan muqalisiin Nairobi ku sugan, taas oo ku dhacda jeebka mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Nyamita ayaa waxa uu sheegay in qiimaha sare ee Kenya awgiis ay hadda qeyb ahaan qaadka ka keenaan Itoobiya, kadibna u iib geeyaan Soomaaliya.

Balse mas’uul u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay in ay xalinayaan cabashada ganacsatada qaadka Kenya, wixii hadda ka dambeeyana lafududeyn doono hawlahooda.

Qaadka ayaa kamid ah waxyaabaha ay macaashka maaliyadeed ee ugu badan ay ka hesho dowladda Kenya. Sidoo kale, dowladda Soomaaliya waxay ka faa'iidaa in ay cashuur badan oo maalinle ah ay ka qaado Jaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Ruushka oo heshiis ka gaaray joojinta qorista muwaadiniinta Kenya ee ciidamada Ruushka

Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo Kenya ay walaac ka muujisay wararka sheegaya in muwaadiniinteeda lagu qortay ciidamada Ruushka.

  • Afrika

    31-10-2026

  • 05:16AM

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM