Gantaallo "laga soo ganay gobolka Tigray" oo ku dhacay caasimada Eritrea

Image

Casmara, Eritrea - Wararka ka imaanaya caasimadda dalka Eritrea ee Asmara ayaa sheegaya in qaraxyo ka dhaceen magaalada saacado uun kadib markii sarkaal ka soo jeeda gobalka Tigreyga ee dalka Itoobiya uu ku hanjabay in ay weerari doonaan.

Qaraxyadaan ayaa imaanaya 10-maalmood kadib markii uu dagaal ka dhex qarxay ciidamada dawladda federaalka Itoobiya iyo ciidamada daacada u ah xisbiga xukuma gobolka Tigray ee TPLF.

Mas'uuliyiinta gobalka Tigreyga ayaa madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki ku eedeyay inuu la saftay ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Dadka degan caasimadda Eritrea ee Asmara ayaa BBC-da u sheegay inay maqleen qaraxyo waaweyn oo ka dhacaya gudaha magaalada.

Inkasta oo aan si dhab ah loo ogeyn waxa ka socda caasimadda Asmara haddana qaraxyadu waxay dhaceen saacado uun ka dib markii sarkaal sare oo lagu magacaabo Getatchew Reda uu ku hanjabay in ay gantaallo la beegsan doonaan Ereteriya.

Ciidamada Tigreega ayaa sidoo kale la sheegayay in ay ka dambeeyen weeraradii gantaallada ahaa ee Jimcihii lagu qaaday laba garoon diyaaradeed oo kuyaala gobolka Amxaarada ee Itoobiya.

Sabtidii maantana waxaa jiray warar sheegaya dagaallo ka dhacay xadka ay wadaagaan Ereteriya iyo Itoobiya waxaana dagaalkaas ku dhaawacmay askar loo qaaday dhaawacyadooda isbitaallada.

Diblumaasiyiin ayaa hseegay in garoonka diyaaradaha Casmara uu kamid yahay meelaha gantaalada ku habsadeen. Balse illaa hataan lama ogga khasaaraha guud ee ka dhashay dhacdooyinkan uga sii daraya colaada ka bilaabatay waqoyga Itoobiya.

GO + BBC

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM