Gargaarkii ugu horeeyay oo gaarey Tigray kadib heshiiska nabada

Image
Xayiraadaha dhanka mucaawinada oo yimid kadib dagaalkii qarxay Noofambar 2020 ayaa sababay "musiibo bini'aadanimo".

ADDIS ABABA, Ethiopia - Labo baabuur oo sida sahay caafimaad ayaa Talaadadii gaaray gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, waana shixnadihii ugu horreeyay ee gargaar caalami ah oo la soo dajiyo gobolkaas.

Talaabadan ayaa kusoo beegmaysa ka gadaal markii dowladda federaalka ah ee Itoobiya iyo ciidamada ismaamulka Tigreegu ay ku heshiiyeen xabbad-joojin horraantii bishan.

Kolonyada ay wateen Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ama ICRC waxay gaarsiiyeen 40 tan oo "alaabta muhiimka ah, daawooyinka degdega ah iyo qalabka qalliinka" ee Mekelle, ee xarunta gobolka Tigray.

ICRC ayaa talaabadan waxay ku xaqiijisay war-saxaafadeed ay soo saartey. Inta la ogyahay, ma jirin wax gargaar caalami ah oo dhanka Tigray galay tan iyo dabayaaqadii Ogosto.

Xayiraadaha dhanka gargaarka bini'aadantinimo tan iyo markii ay dagaaladu qarxeen Noofambar 2020 ayaa waxa ay sababeen masiibo bini'aadantinimo oo aad u daran guud ahaan gobolka.

Sidda ay sheegeen hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobay iyo kuwa maxaliga ah, tani ayaa saameysay malaayiin u baahnaa  cunto iyo daawo degdeg ah.

Shuruudaha heshiiska xabbad-joojinta - oo ka dhacay Koonfur Afrika horraantii bishan - waxaa ku jiray dawladda federaalka Itoobiya inay fududayso gelitaanka bini'aadantinimo ee Tigrayga iyo soo celinta isgaarsiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM