Gargaarkii ugu horeeyay oo gaarey Tigray kadib heshiiska nabada

Image
Xayiraadaha dhanka mucaawinada oo yimid kadib dagaalkii qarxay Noofambar 2020 ayaa sababay "musiibo bini'aadanimo".

ADDIS ABABA, Ethiopia - Labo baabuur oo sida sahay caafimaad ayaa Talaadadii gaaray gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, waana shixnadihii ugu horreeyay ee gargaar caalami ah oo la soo dajiyo gobolkaas.

Talaabadan ayaa kusoo beegmaysa ka gadaal markii dowladda federaalka ah ee Itoobiya iyo ciidamada ismaamulka Tigreegu ay ku heshiiyeen xabbad-joojin horraantii bishan.

Kolonyada ay wateen Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ama ICRC waxay gaarsiiyeen 40 tan oo "alaabta muhiimka ah, daawooyinka degdega ah iyo qalabka qalliinka" ee Mekelle, ee xarunta gobolka Tigray.

ICRC ayaa talaabadan waxay ku xaqiijisay war-saxaafadeed ay soo saartey. Inta la ogyahay, ma jirin wax gargaar caalami ah oo dhanka Tigray galay tan iyo dabayaaqadii Ogosto.

Xayiraadaha dhanka gargaarka bini'aadantinimo tan iyo markii ay dagaaladu qarxeen Noofambar 2020 ayaa waxa ay sababeen masiibo bini'aadantinimo oo aad u daran guud ahaan gobolka.

Sidda ay sheegeen hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobay iyo kuwa maxaliga ah, tani ayaa saameysay malaayiin u baahnaa  cunto iyo daawo degdeg ah.

Shuruudaha heshiiska xabbad-joojinta - oo ka dhacay Koonfur Afrika horraantii bishan - waxaa ku jiray dawladda federaalka Itoobiya inay fududayso gelitaanka bini'aadantinimo ee Tigrayga iyo soo celinta isgaarsiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM