Gargaarkii ugu horeeyay oo gaarey xarunta Tigray

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Gargaarkii ugu horeeyay oo caalami ah kana kooban daawo iyo agabyo kale ayaa gaarey caasimadda ismaamulka Tigray ee Maqale, sidda ay sheegtay Hay'adda Laanqeyrta Cas ee ICRC.

Sidda ay war-saxaafadeed ku sheegtey ICRC, gargaarkan waxaa iska kaashaday hay'addan fadhigeedu yahay magaaladda Geneva iyo dowladda Itoobiya.

Lix gaari xamuul oo sidday daawooyin iyo agab kale ayaa loogu talagalay 400 qof dhaawac ah. Qalabkaas waxaa loogu deeqayaa isbitaalka Ayder, xafiiska caafimaadka degaanka iyo farmashiyaha ERCS ee magaaladda Maqale.

"Waa mucaawinadii ugu horeysay oo caalami ah tan iyo markii ay qaraxdey colaadda Tigray laba bilood kahor," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ICRC.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa horey uga dhawaajisay in ay gargaar gaarsiisay magaala madaxda gobolka waqoyga dhaca ee Tigray, iyadda oo hay'addaha caalamiga ah fartey in ay soo marsiiyaan agabka ay waddan.

Xafiiska Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa todobaadkii hore wuxuu xaqiijiyey in ciidamada Itoobiya ay rasaas ku fureen shaqaale arrimo gargaar "markii ay baalmareen shuruucda aan dejinay".

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in ka badan 30 kun qof ay ku barakaceen colaadda Itoobiya kuwaasoo badankooda u qaxay dalka deriska la ah ee Suudaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM