Kenya: Garsooreyaal diidey qorshe ay waday dowlada Uhuru

Image

NAIROBI, Kenya - Garsoorayaasha Maxkamadda Rafcaanka ee Kenya ayaa taageeray go’aan ay horay u gaartay maxkamad hoose oo hor istaagtay qorshe ay dowladdu taageereyso oo ah in isbadallo aasaasi ah lagu sameeyo dastuurka dalka.

Mashruucan qabsadey ciwaanadda ugu horeeya ee warbaahinta Kenya dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ayay garsooreyaasha Jimcadii shalay ahayd ku sifeeyeen "mid aan dastuuri ahayn oo sharci darro ah".

Hindisaha Dhismaha Buundooyinka (BBI) waxaa hormuud u ah Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo mucaaradkiisa saaxiibkiis isku rogay, Raila Odinga, oo ah guddoomiyaha isbaheysiga ugu weyn mucaaradka Kenya.

Qodobada la isku dayday inay lagu sameeyo isbeddelada waa;

- Soo celinta jagada ra’iisul wasaaraha oo ah hab lagu mijo xaabin karo awoodda

- Siinta 47 ismaamul ee Kenya miisaaniyad weyn si ay u hirgeliyaan qorshayaasha horumarineed

- In golaha wasiirradu loo kordhiyo awooda metelana qaranka

- In dadka kashifa musuqmaasuqa ay 5% ku yeeshaan lacagta la soo celiyo.

Xukunka garsooreyaasha ayaa loo arkaa in ay tahay guul weyn oo u soo hooyatay madaxweyne ku xigeenka William Ruto iyo dhamaan siyaasiyiinta kale ee sidda weyn uga horjeeday BBI.

Talaabadan ayaa sidoo kale waxay imaanaysaa sanad uun ka hor doorashada madaxtinimada ee soo socota, taas oo loo arko tartan laba faras ah oo u dhexeeya Mr Odinga iyo Mr Ruto.

Qoraal uu u diray garsoorayaashu ka hor inta aysan dhammeyn akhrinta xukunkooda, Mr Odinga wuxuu sheegay inay tahay "waqtigii horey loo socon lahaa". Dhanka kale, taageereyaasha Ruto waxay soo dhaweeyeen go'aanka xeer-beegtadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM