Geelle oo ka qeybgalaya saxiixa Heshiis Eritrea iyo Ethiopia, Farmaajo oo la casuumin

Image

JABUUTI - Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la filayaa inuu ka qeybgalo munaasabadda laguu saxiixiyo heshiiska nabadda ee dowladaha Eritrea iyo Itoobiya, kaasoo maalinta berri ah ka dhacay magaalada Jeddah, ee dalka Sacuudiga.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in wafdi hordhac uu xalay ka ambabaxay dalka Jabuuti, iyadoo Madaxweyne Geelle la filayo in maalinta berri ah gaaro Sacuudiga, halkaasoo ay kusii jeedaan Ra'iisul Wasaaraha Eithiopia iyo Madaxweynaha Eritrea.

Heshiiska nabadda Eithiopia iyo Eritrea ayaa lagu saxiixay bishii July ee lasoo dhaafey magaalada Asmara kadib markii ay halkaasi ku kulmeen Abiy Axmed iyo Isaisa Afwerki kasoo soo afjarey colaadda muddo 20-ka sano ka dhaxeysay dalalkaan.

Munaasabada heshiiskaan lagu weyneynayo oo ka dhaceysa qasriga boqortooyada kasoo boqor Salman qabanayo ayaa sidoo kale la filayaa iney fursad u noqoto Madaxwynaha Jabuuti iyo dhigiisa Afwerki kuwasoo wadahadalo hordhaca ka yeeshey iney dhameeyaan colaadii u dhexeysay labadooda waddan.

Dhinaca kale waxaan soo bixin warar sheegaya in casumaada Boqor Salman u fidiyey madaxda sadexddaan wadaan uusan qayb ka aheyn Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmajo oo isagu qayb ka aha wadahadalo lagu dhexdhexadinayey dalalka Jabuuti iyo Eritrea.

Xiriirka aan wanaagsaneyn ee Sacuudiga kala dhaxeeya dowladda Federaalka ayaa la rumeysan yahay inay sabab u tahay in Farmaajo lagu casumin Shirka Jeddah.

Villa Soomaaliya ayaa la aamusan xiriirka xumaadey ee dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadla kuwasoo heshiis taariikhi ah la lahaa dalkaan ku yaal Greeka Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan sheegay in dowladdiisa ay qeyb ka tahay dedaallada lagu heshiisiinayo Jabuuti iyo Eritrea, isagoo xusay in hogaamiyaasha Geeska Africa ay wadaan isku dayo gobolka looga dhigayo meel colaad ka caagan "Zero conflict."

Riyadh ayaanan ku qanacsaneyn xiriirka dhaw ee Villa Somalia iyo Qadar, iyadoo horey Xukuumadda Soomaaliya sanadkii tagey u sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay Khilaafka dalalka Khaliijka carabta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM