Geelle oo si adag u cambaareeyay ismiidaamintii Ex-kontarool Afgooye

Image

JABUUTI, Djibouti – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si xoogan u cambaareeyay weerarkii lagu eedeeyay Al-Shabaab ee Ex-kontarool Afgooye.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Geelle ayaa waxaa lagu sheegay in falkaas uu yahay mid arxan darro ah iyo dambi aan cidna loogu aaba-yeelin.

"Falal noocaana h oo sanadihii dambe ka dhacayey dalka aynu walaalaha nahay, su'aal la'aan waxaa lagu wiiqayaa xasiloonida iyo ammaanka qaranimadda Soomaaliya," ayuu hadalkiisu ku daray.

Madaxweyne Geelle ayaa carabka ku adkeeyay in ay ka go'an tahay sidii ay uga caawin lahaayeen dowladda Soomaaliya soo celinta amniga iyo nabadda.

Jabuuti ayaa kamid ah dowladaha ay ciidamadda ka joogaan Soomaaliya, waxayna ka tirsan yihiin howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Sidda ay sheegtay dowladda, qaraxii Ex-kontarool oo loo adeegsaday gaari xamuul ah oo qaraxyo lagu soo raray waxaa ku naf-weysay ku dhowaad 80 qof oo u badan shacab gaar ahaan Arday.

Qaraxaan ayaa noqday midkii saddexaad ee ugu dhimashadda badnaa taariikhda Soomaaliya. Xasuuqii Soobe, oo lagu naf-gooyey in ka badan 600 ruux, iyo Hargaha & Saamaha, oo 100 ah, ayaa horey diiwaanka u galay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM