Getachew Reda: Gobolka Tigray oo yeeshay hogaamiye ku meelgaar ah

Image
Ma cadda goorta ay dowladda federaalka go'aan kama dambeys ah ka qaadaneyso magacaabista Getachew.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Xisbiga talada haya ee gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa afhayeenkooda Getachew Reda u magacaabay inuu noqdo madaxweynaha maamul ku meel gaar ah, sida ay sheegtay warbaahinta uu xisbigu maamulo.

Haddii magacaabista Getachew ay ogolaato dowladda federaalka Itoobiya waxa uu bedeli doonaa hogaamiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael, kaasoo tan iyo 2018 hogaaminayay Tigrayga.

Ma cadda goorta ay dowladda federaalka go'aan kama dambeys ah ka qaadaneyso magacaabista Getachew iyo xilliga la dhisayo maamulka ku meelgaarka ah.

Afhayeenka dawladda Itoobiya, Legesse Tulu, ayaa si degdeg ah uga soo jawaabin codsi ay u dirtey warbaahinta caalamiga ah gaar ahaan wakaaladaha wararka sidda Reuters.

Maamul la'aanta Tigray ayaa caqabad ku noqotay wax ka qabashada xaaladaha bini'aadantinimo ee guud ahaan Tigrayga, halkaas oo malaayiin ay u baahan yihiin gargaar, sida ay sheegeen shaqaalaha gargaarka.

"Mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah iyo shaqaalaha caafimaadka ayaan la siinin, hay’adaha gargaarkana waxa ay la’yihiin cid si cad ula shaqeysa," ayay hoosta ka xariiqeen.

Magacaabida Getachew ayaa timid maalmo ka dib markii xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken uu booqasho ku tagay Itoobiya, kuna baaqay hirgelinta heshiiska nabadda kana digay cawaaqib ka dhasha haddii lagu fashilmo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM

Itoobiya: In ka badan 60 qof oo lagu dilay weerarro ka dhan ah Masiixiyiinta gobolka Oromia

Kaniisadda ayaa sheegtay in shan ka mid ah dadka la dilay ay ahaayeen carruur, sida ay goobjoogayaashu u sheegeen BBC-da Af-Amxaarka.

  • Afrika

    27-10-2026

  • 10:45AM