Ghad: Ku dhowaad 20 qof oo ku nafwaayay shil baabuuur

Image
In ka badan 3,000 qof ayaa sanad walba shil ugu dhinta waddankan, sidda ku xusan tirokoob rasmi ah.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay dalka Chad ee dhaca bartamaha Afrika ka dib markii uu shil bas ku dhacay gaari xamuul ah, halka toddobo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen maamulka deegaanka.

Shilkan ayaa dhacay saqdii dhexe ee maalintii Khamiista. Baska waxaa saarnaa 31 qof waxaana uu ka ambabaxay caasimadda N’djamena, kuna sii jeeday magaalada Abeche ee bariga dalkaasi.

Gaariga kale ee xamuulka ah ayuu ku dhacay xilli uu marayay magaalada Oum-Hadjer oo qiyaastii 140 KM u jirta halka uu u socday, sidda lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka.

"18 ka mid ah dhibanayaasha ayaa isla goobta ku dhintay, halka labo ka mid ah ay ku dhinteen dhaawacyadii dambe isbitaalka Abeche subaxnimadii Jimcaha," ayay tiri wasaaraddu.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa, sidda ku xusan war-saxaaafdeedka, waxay intaa ku dartay in laba ka mid ah dadka dhaawacmay ay weli ku jiraan "xaalad halis ah".

Natiijada baaritaanka ugu horreeya ayaa sheegaya in shilku uu ka dhashay ka dib markii loo hoggaansami waayay shuruucda badbaadada waddooyinka haddii ay dhacdo in baabuurku ku xumaado wadada, sidoo kale "xawaaraha, culeyska baabuurka culus, daalka iyo taxadar la'aanta darawalka," ayay tiri wasiirka gaadiidka Faadumo Goukouni Weddeye, oo hoosta ka xariiqay in "tallaabo adag" laga qaadi doono dembiilayaasha.

Shilalka jidadka ayaa celcelis ahaan sababa in ka badan 3,000 geeri sanad walba gudaha Chad iyo khasaaro hanti oo dhan in ka badan $160 milyan oo khasaare ah waxaana ugu wacan burburka waddooyinka iyo jabinta shuruucda dalka.

GAROWE ONLONE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM