Ghad oo ku biireysa dalalka safaaradaha ka furanaya Tel Aviv

Image
Talaabadan ayaa lagu shaaciyay qoraal ay si wadajir ah u soo saareen hogaanka labada dhinac.

NAIROBI, Kenya - Dalka Chad ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Khamiis ah uu safaarad ka furto magaalada Tel Aviv ee bartamaha Israa’iil kadib markii uu dib u soo laabtay xiriirkooda laba geesoodka ah sanadka 2019-ka.

Arrintan ayaa lagu shaaciyay Arbacadii qoraal ay si wadajir ah u soo saareen Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Madaxweynaha Chad Mahamat Deby oo booqasho rasmi ah ku jooga Israa’iil.

"Xiriirka Israa'iil iyo Chad waxaa dhidibadda u taagay aabahaa dhintay [Madaxweynihii hore ee Chad Idriss Deby],” ayuu Netanyahu ku yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiskiisa.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan rumeysannahay in iskaashigayagu uusan caawin karin oo keliya horumarinta xiriirkayaga iyo iskaashigayada laakiin sidoo kale waa qayb ka mid ah soo noqoshada Israa'iil ee Afrika iyo Afrika oo ku soo laabanaysa Israel".

Netanyahu oo dhowaan mar kale loo doortey xafiiska ayaa wuxuu intaas ku daray: "Waxaan leenahay yoolal isku mid ah oo ah dhinacyadda amniga, barwaaqada iyo xasilloonida".

Dhinaciisa, madaxwayne Mahamat Deby ayaa hoosta ka xariiqay in maamulkiisa uu xoogga saari doono sidii uu xiriirkaas uga faa'iideyn lahaa shacabkiisa gaar ahaan dhanka horumarka.

Israa’iil iyo Chad ayaa la aaminsan yahay in ay cilaaqaad samaysteen sanadka markii uu ahaa 1960-kii. Laakin N’Djamena waxay xiriirka u jartay Tel Aviv sanadka markii uu ahaa 1972-dii kadib cadaadis maxalli ah iyo Carabeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM