Ghana oo xanibaysa shaqada balaayiin SIM-Card telefoonka ah

Image
Xukuumadda Accra ayaa kordhineysa waqtiga is-diiwaan-gelinta qaadashada kaararka cusub.

ACRA, Ghana - Mas'uuliyiinta Ghana ayaa xannibi doona ilaa 10 milyan oo Sim kaar ah telefoonada gacanta dhammaadka bishan iyadoo fursadda diiwaangelintu ay qarka u saaran tahay dhamaad.

Hay'adda isgaadhsiinta iyo maareynta warshadaha waxa ay 31-ka Oktoobar xidhi doonaan xogta iyo adeegyada codka ee kaadhadhka aan la xaqiijin kadib sanad ololaha diiwaangelinta dalka oo dhan.

Bishii Luulyo, maamulka isgaarsiintu waxay ku kordhiyeen wakhtiga xaqiijinta laba bilood si loogu oggolaado dadka Ghana iyo kuwa aan muwaadiniinta ahayn ee deggan Ghana inay xaqiijiyaan aqoonsiga simkaarkooda ayna dhammaystiraan nidaamka diiwaangelinta.

Tan iyo 4-tii Oktoobar, ilaa 19 milyan oo Sim Cards ayaa si buuxda loo diiwaan geliyay, taasoo ka dhigan in 45% dhammaan kaararkii la bixiyay, sidda laga soo xigtey warbixin kasoo baxdey dowladda.

"Milkiilayaasha kaarka SIM-ka waa in ay mideeyaan aqoonsigooda qaranka iyo Sim-kooda ka dibna ay sii wadaan diiwaan-gelinta iyaga oo maraya nidaamka casriga ah," ayay raacisay warbixinta.

Dowladda Ghana ayaa tibaaxdey in talaabadan ay salka ku hayso in laga hortago dadka kaararka u adeegsanaya khiyaano ahaan iyo in la sugo ammaanka warbaahinta casriga ah ee dhijitaalka ah.

Telefoonadda gacanta ayaa la rumeysan yahay in ay ka qeyb-qaataan dambiyadda nooc kasta ah taasoo laga maarmaan uga dhigtey dowladaha qaarkood in ay dhaqan-geliyaan siyaasado xakameyn ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM