Itoobiya oo lagu dhaliilay hadalo "ka baxsan" bini'aadanimada

Image
USAID ayaa aad u cambaareysay "hadalada ka baxsan bani’aadamnimada" ee kasoo yeeray xukuumadda Addis Ababa. [Photo: Online]

WASHINGTON, USA - Madaxa USAID, Samantha Power, ayaa walaac ka muujisay "hadalada ka baxsan bani’aadamnimada" ee kaga imaanaya mas’uuliyiinta Itoobiya xilli uu dagaal ka socdo Tigray, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Tani waxay daba socotaa digniino ka yimid maamulka Biden oo ku aaddan tallaabooyin ciqaab ah oo ka dhan ah dowladda Itoobiya haddii gargaarka uusan awoodin inuu gaaro gobolka.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa shalay waxay saddex bilood ka mamnuucdey qaar kamid ah hay'adaha gargaarka gudaha Tigray iyada oo ku eedeysay in ay taageerayaan jabhadda ay dagaalka kula jitrto

Dhanka kale, Itoobiya ayaa ku boorisay beesha caalamka inay cadaadis saarto TDF si loo joojiyo dadaallada lagu horjoogsanayo gargaarka bani'aadamnimada ee soo galaya Tigray.

Guddoomiyaha Guddiga Maareynta Musiibooyinka iyo Maareynta Khatarta (NDRMC) Mitku Kassa ayaa u sheegay ENA inay u baahan yihiin inay oggolaadaan in gargaarku soo maro, sida uu wariyey @fanatelevision.

Kolonyo ka kooban 175 baabuur oo xamuul ah ayaa gaaray Tigray iyaga oo sidda raashin tan ah iyo sahay kale oo degdeg ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo ku dhawaad ​​4 milyan qof oo u baahan gargaar degdeg ah.

Madaxa hay'adda WFP ayaa sheegay inay rabaan maalin walba 100 baabuur oo xamuul ah si ay u daboolaan baahiyaha bani'aadamnimo ee baaxadda leh ee ka jira gobolka ay dagaalladu ka socdaan.

Gobolkan dhaca waqoyga Itoobiya ayaa wajahaya xaalad aad u daran oo nolol xumo ah. Sidoo kale, waxaa lasoo wariyey in ay jiraan dambiyo dagaal oo ay geystaan dhinacyada dagaalamay wallow midba kan kale uu eeda ugu badan dusha u saarayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM