Go'aan laga soo saarey dacwad lagu soo oogo xubno la kulmay Farmaajo

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa si cad waxay kaga jawaabtay hadii dacwad lagu soo oogayo Xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka dalkaas ee la sheegay in ay fasax la'aan ka dageen Muqdisho.

Mudaneyaashan laga soo doorto gobolka waqooyi barri oo ay casuuntay Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa kulan saacado badan qaatay la yeeshay madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha NISA.

Muriithi Kangi, xoghayaha Wasaaradda Amniga Gudaha Kenya, ayaa caddeeyay in waqti xaadirkaan aysan jirin wax dacwad ah oo laga gudbinayo sharci-dejiyeyaasha oo su'aalo la waydiiyey.

"Waxa walaaca ku abuurey dalka ayaa ah sidda Xildhibaanada ugu dhoofeen dal shisheeye iyagoo aanan la hubin iyo ujeedada socdaalkooda oo aysan u caddeyn xukuumada," ayuu raaciyey.

Safarka Xildhibaanada ayaa "su'aal gelisey" doodii Soomaaliya oo ahayd in ay faragelineyso arrimaha gudaha dalka.

Xukuumadda Nairobi oo "been lasoo dhoodhoobay" ku qeexdey eedeyntaas ayaa tilmaamtay "in ay tahay arrin khatar ku ah ammaanka" oo lagu daboolayo fashilka xukuumadda Nabad iyo Nolol.

Wargeyska afka dheer ee Daily Nation ayaa ku waramay in sharci-dejiyeyaasha ay wajihi karaan baaritaan uu ku sameeyo golaha xeer-dejinta.

Warbixinta ayaa intaas raacisay in baaritaanka uu salka ku hayn doono hadii lagu soo oogi karo dacwad khiyaano qaran ah ama in ay u basaasayeen dal shisheeye.

Xeer-hoosaadka baarlamaanka Kenya ayaa xeerinaya in xubnaha ay safar dibada geli karaan, mid rasmi ah ama mid gaar ah, iyagoo si toos ah u ogeysiinaya afhayeenka isla markaana qeexaya ujeedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM