Gobol ku yaalla Suudaan oo looga dhawaaqay xaalad degdeg ah

Image
Ku dhawaad ​​7 milyan oo Suudaan ku nool ayaa waxay u qaxeen si ay ammaan uga raadsadaan dalalka deriska ah.

KHARTUUM, Suudaan - Mas'uuliyiinta Suudaan ee gobolka Al-Qadarif ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah kaddib markii ciidamada Rapid Support Forces (RSF) ay la wareegeen gacan ku haynta wadada isku xirta gobollada bariga Al-Jaziira iyo Al Qadarif, oo ku dhow caasimadda Khartoum.

Gobolka, oo ku hawlanaa iska-caabinta RSF tan iyo bishii Abriil, ayaa sheegay in xaaladda degdegga ah lagu dhawaaqay iyadoo la raacayo sharciga xaaladaha degdegga ah iyo badbaadada dadweynaha.

"Isu-socodka waddooyinka, bannaanbaxyada iyo furitaanka meheradaha gobolka waa mamnuuc laga bilaabo 6-da galabnimo ilaa 6 subaxnimo wakhtiga maxaliga ah ilaa ogeysiis dambe," ayaa lagu yiri bayaanka.

Kadib iska hor imaadyo xoogan oo 15-kii Diseembar ku dhex maray ciidamada gobolka iyo RSF dhulka miyiga ah ee waqooyi ee Wada Madani, oo ah magaalo dhexe, ayaa xaalad degdeg ah looga dhawaaqay gobolka Jaziira.

Markii ugu horeysay tan iyo markii uu bilowday dagaalka oo galay bishii sagaalaad, RSF waxay weerartay Wad Madani, oo ah magaalada dhexe ee gobolka istiraatiijiga ah ee Al Jaziirah, oo loo yaqaan 'Sudan's granary', taasoo marin u ah dhammaan qeybaha dalka.

Suudaan waxaa hareeyay dagaallo u dhaxeeya ciidamada, oo uu hoggaaminayo General Abdel Fattah al Burhan, oo ah madaxa golaha sare ee talada haya, iyo RSF oo uu madax ka yahay General Mohamed Hamdan Daglo.

In ka badan 12,000 oo qof ayaa lagu dilay in ka badan 33,000 oo kalena waa lagu dhaawacay colaadda, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Ku dhawaad ​​25 milyan, oo ah kala bar dadka, ayaa u baahan gargaar bini'aadantinimo. Ku dhawaad ​​7 milyan oo Suudaan ku nool ayaa ku barokacay gudaha dalkaas ama waxay u qaxeen si ay ammaan uga raadsadaan dalalka deriska ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM