Golle iska caabin ka dhan ah afgambiga oo laga aasaasay Niger

Image

NIAMEY - Wasiirkii hore ee dalka Niger Gissa Ag Bola ayaa ku dhawaaqay in la dhisayo “Golaha iska caabinta iyo soo celinta Jamhuuriyadda” ee dalka Niger, ujeedaduna tahay in laga shaqeeyo sidii xukunka lagu soo celin lahaa madaxweynihii la xiray Mohamed Bazoum.

"Waxaan ugu baaqaynaa askarta ixtiraamaysa dhaartooda iyo shacabka inay joojiyaan afgambiga, iyada oo aan dib loo dhigin, si loo xiro General Chiani," ayuu Bola ku yiri hadal uu jeediyay.

Sida lagu sheegay war-murtiyeedka, Golaha iska caabinta iyo soo celinta Jamhuuriyadda waa dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ka shaqayn doona soo celinta nidaamkii iyo sharcinimadii dastuuriga aheyd, iyo dhamaan waajibaadkii madaxweyne Mohamed Bazoum.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo golaha milateriga ee Niger ay iska indho tireen waqtigii ay u qabteen ururka dhaqaalaha ee galbeedka Afrika "ECOWAS" si ay awoodda dib ugu soo celiyaan madaxweynihii la doortay ee Mohamed Bazoum.

Maalinta Khamiista ah ayaa la filayaa in caasimadda Nigeria ee Abuja uu ka furmo shir madaxeedka ECOWAS oo looga hadlayo xiisadda Niger.

Gissa Ag Bola waa hogaamiyihii hore ee kacdoonkii Tuareg ee Niger, oo ahayd jabhad hubaysan 2007dii taasoo ku dhaxmaatay heshiis nabadeed oo dhex maray labada dhinac ee diriraye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM