Goob lagu xusuusanayo Muslimiin lagu dilay Uganda oo la hirgelinayo

Image

KAMPALA, Uganda – Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, ayaa u balanqaaday bulshada Muslimiinta hirgelinta goob lagu xusuusanayo Shuhadadii lagu lagu xasuuqay wadankaasi.

Xaruntaan ayaa la dhisayaa Namugongo, magaalo 15 KM u jirta caasimada Kampala, halkaasoo sanadkii 1806 tobanaan dad Muslimiin iyo Masiixiyiin isugu jira lagu khaarijiyey.

Amarka lagu dilay dadkaasi oo 12 kamid ah ay Muslimiin ahaayeen ayaa waxaa bixiyey Mwanga II, oo ahaa boqor maxali ah, kaasoo ka walwalay in dadkaasi ay halis ku noqdaan maamulkiisa.

Sikastaba ha ahaatee, bulshada kala duwan oo ay dadkaasi kasoo jeedeen ayaa sanad kasta June 3-deeda waxay fursad u heli doonan in ay u baroor-diiqaan dadkaasi laga dilay.

Isaga oo la hadlayay munaasabad Afur ah oo uu Muslimiinta ugu sameeyay Madaxtooyadda, ayuu Museveni ku booriyey shucuubta wadankiisa ku nool in ay xushmeeyaan diimaha kala duwan.

"Waan kala shaqeyn doonaa arrintaan hogaamiyeyaasha Muslimiinta. Waa taariikh qormeysa. Waxaana sidoo kale ay u tahay Masiixiyiinta iyo dad kale ee dhacdadaasi ku dhintay," ayuu xusay.

Ugu dambeyntii, wuxuu ugu hambalyeeyay Muslimiinta bisha barakeysan ee Ramadaanta, oo uu tibaaxay in ay tahay mid looga fogaado rabshadaha ku dhisan naceybka iyo is-dilka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto oo Wajir Ka Raalli-gelin Ka Bixiyey Dayacaaddii Lagu Hayey Gobolada Waqooyi Bari

Madaxweyne Ruto oo Wajir Ka Raalli-gelin Ka Bixiyey Dayacaaddii Lagu Hayey Gobolada…

  • Afrika

    02-06-2026

  • 04:07PM

Abiy Ahmed oo codkiisa dhiibtay xilli xisbigiisa loo saadaalinayo guusha doorashada Itoobiya

Goobaha codbixinta ayaa albaabada loo furay 6:00 subaxnimo, iyadoo safaf dhaadheer lagu arkayay meelo badan saacadihii hore ee maalinta.

  • Afrika

    01-06-2026

  • 07:46AM