Gudoomiye gobol hore oo lagu xukumay in uu bixiyo $130 milyan

Image
James Ibori ayaa waxaa lagu helay dambiyo la xiriira musuqmaasuq iyo lacag lunsasho.

ABUJA, Nigeria - James Ibori, oo ahaa gudoomiyihii hore ee gobolka Delta ee dalka Nigeria, ayaa garsoore UK ah uu ku amray in uu soo wareejiyo £100m ($130m) oo lagu eedeeyay in uu xaday, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ibori ayaa maxkamad ku taalla magaalada London ee caasimadda Boqortooyadda Ingiriiska waxa ay ku heshay dambiyo la xiriira wax isdaba marin iyo lacago la dhaqay sanadkii 2012.

Sidda laga soo xigtey warbixinta Reuters, kadib markii uu ku dhameystay qeyb ka mid ah xukunkii lagu riday xabsi ku yaala Britain, waxa uu hadda dib ugu laabtay Nigeria.

"Garsooraha ayaa sheegay in Ibori ay ahayd inuu si degdeg ah u bixiyo lacagta ama uu mar kale wajihi doono xabsiga," Reuters ayaa tiri oo soo xiganaysa nuqul kamid ah xukunka.

Ibori ayaa mar sii horeysay u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in uu racfaan ka qaadan doono go’aanka maxkamada taas oo ka dhignaan doonta in uu mar kale galayao dood iyo loolan dhanka sharciga ah oo natiijaddiisa aan la saadaalin karin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM