Guinea: Siddeed qof oo ku dhintay qarax ka dhacay kaalin shidaal

Image
Sidda ay sheegeen illo dhanka caafimaadka ah, 84 ruux kale ayaa waxay ku dhaawacmeen dhacdadan.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku dhintay 84 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay goob saliidda laga soo saaro oo ku taal caasimadda Guinea ee Conakry maanta oo Isniintii ah.

Sida uu sarkaal sare oo booliis ah u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, tirokoobka khasaaraha waa mid ku meel gaar ah, waxa uuna intaa ku daray in la xakameeyay dabka.

Jugta qaraxan ayaa gilgilay maamulka Kaloum ee ku yaalla badhtamaha magaalada Conakry, isagoo dumiyay daaqadaha guryo dhowr ah oo u dhowaa meesha ay wax ka dhaceen.

Muuqaallo aad ugu faafay baraha bulshadda ayaa waxa ay muujinayaan in boqolaal ruux kalena way ka carareen aaggaas iyadda oo dadka qaar ee dhaawacmay ay isbuurasho haleeshay.

Dab xooggan iyo uuro madow ayaa laga arkayay meel masaafo aad u fog u jirta. Kooxaha dab-demiska ayaa lagu ammaanay in ay degdeg uga jawaabeen musiibadan.

Guinea maaha waddan soo saara saliid mana laha awood sifeyn karta shidaal. Dalkan wuxuu soo dejiyaa badeecooyin sifaysan, kuwaas oo inta badan lagu kaydiyo terminalka Kaloum oo loo qaybiyo baabuurta.

Sikastaba, baabuurta nooceeda waa kuwa xamuulka ah kuwaasoo gaarsiiya guud ahaan dalka oo dhan. Ilaa iyo hadda ma cadda heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca soo gaaray terminalka muhiimka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM