Dibadbaxa Itoobiya: Gunta khilaafka Abiy iyo Jawar Maxamed

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Dibadbaxyo ballaaran ayaa maanta ka qarxay dhowr magaalo oo katirsan gobolka Oromia iyo goobo ku yaalla magaaladda Addis Ababa, kuwaasoo looga soo horjeedo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Banaanbaxyada ayaa bilowday kadib markii ay dowladda isku dayday inay ka qaado ciidamada ilaalada ah guri uu degan yahay Jawar Mohammed, oo ah nin u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda dadka Oromada ah, sidoo kalena agaasimaha warbaahinta Oromo Media Network (OMN).

Boqolaal kamid ah taageereyaasha Jawar Maxamed oo ku dhawaaqayay "Abiy ha dhaco", ayaa isugu yimid banaanka hoygiisa oo ku yaalla meel ku dhaw Safaaradda Japan, ee magaaladda Addis Ababa, halkaasi oo markii hore ay hareeyeen ciidamada booliska.

Talaabada dowladda ugala laaban rabtay ilaalada gaarka Jawar Maxamed ayaa timid saacado kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Axmed isagoo ka hadlayey Baarlamaanka uu ka digay mulkiileyaasha xarumaha warbaahinted maxaliga ah wax uu ugu yeeray "hurinta xasilooni daradda".

Ugu yaraan 400 rag ayaa kusoo biiray banaanbaxa oo ka dhacay Addis Ababa, kuwaas oo taageero u muujiyey Jawar Maxamed kana soo horjeeday Abiy Axmed, oo dhawaan ku guuleystay abaal-marinta sanadkan 2019 ee Nobel Peace Prize.

Jawar, oo degan Mareykanka, ayaa kamid ah dadkii ka dambeeyay isbaddalada ka dhacay Itoobiya, waxaana uu ku eedeeyay dowladda uu hogaamiyo Abiy Axmed inay ilaalada kala noqon rabtay.

Ma cadda sababta loo hareereeyay hoyga Jawar, balse waxaa la rumeysan yahay in ay la xiriirto xiisadda kala dhaxeysa Abiy Axmed oo ku aadan in warbaahintiisu buunbuuniso xasilooni daradda dalkaas ka jirta.

"Mulkiileyaasha warbaahinta ee aan haysan Boosaboorka Itoobiya ayaa ciyaaraya doorar kala duwan. Marka ay nabad jirto waxaad ku ciyaareysaa halkan, marka dhibaato jirto ma joogeysaan halkan," ayuu Abiy yiri.

Wuxuu ku daray: "Waxaan isku daynay in aan dulqaadano. Balse hadii ay tani u socoto in la wiiqo nabada iyo jiritaanka Itoobiya, ku hadal Amxaari ama Oromiffa, waxaan kaa qaadi doonaa dhibaato, ma ciyaari kartid labadda".

Amxaari iyo Oromada ayaa ah labada luqadood ee qowmiyadaha ugu waaweyn ee dalkan dhaca Geeska qaaradda Afrika ku hadlaan.

Jawar, oo dhiirageliya dhaqdhaqaaqyadda aan rabshadaha lahayn isla markaana rumeysan fekerka ah "Oromo ayaa horeysa" wuxuu Mareykanka ka yimid sanadkii hore markii uu Abiy xafiiska la wareegay.

Oromada ayaa ah qowmiyadda ugu balaaran ee Itoobiya ayna kasoo wada jeedaan Abiy Axmed iyo Jawar.

Afhayeenka booliska federaalka, Jeylan Cabdi, ayaa ku adkeystay in aysan wax war ah u haynin waxa ka dhacay hoyga Jawar.

Abiy, oo ku guuleysiga abaalmarinta nabadda ku muteystay nabadda uu ka keenay Eritrea, ayaa xafiiska yimid bishii April ee 2018, wuxuuna sameeyay isbedelo kala duwan oo dhanka siyaasadda, Nabada iyo maamulka dalka Itoobiya.

Tallaabada isbedel ee Abiy ayaa saameeyay guud ahaan gobolka Geeska Africa, oo ay ka socdaan dabeylo isbedel-doon ah, waxaana dhawaan xisbiga haya talada dalka Itoobiya uu ku dhawaaqay inay dalka ka dhigi doonaan dimuqraadi kahor doorashada 2020-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Martha Karua oo laga masaafuriyay Tanzania iyadoo dooneysay inay daawato maxkamadeynta Tundu Lissu

Waxaa muuqata in xiisadda siyaasadeed ee Bariga Afrika ay sii xoogeysaneyso xilli ay soo dhow yihiin doorashooyin kala duwan oo muhiim ah.

  • Afrika

    19-05-2025

  • 07:52AM

Ibrahim Traoré: Hoggaamiye Ku Jira Ka Xoraynta Afrika Gacanta Gumeystayaasha Reer Galbeedka

Sida ay sheegtay Beverly Ochieng, oo ah cilmi-baare sare ka tirsan hay’adda Control Risks ee fadhigeedu yahay caalamka.

  • Afrika

    12-05-2025

  • 07:34AM