Gurigii ciyaaryahanka Maxamed Saalax ee Masar oo la jabsadey

Image
Wargeyska Al-Ahram ayaa tabiyey in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Masar ay bilaawday baaritaan ku aadan dhacan.

QAAHIRA, Masar - Gurigii Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ee ku yaalla caasimadda Masar ee Qaahira ayaa la jabsaday lagana dhacay, sidda ay sheegtay warbaahinta gudaha Axadii shalay ahayd.

Wargeyska afka dheer ee Al-Ahram ayaa tabiyey in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Masar ay bilaawday baaritaan ku aadan dhaca loo geystay guriga Saalax ee xaafadda New Qaahira.

Falkan dhaca ah ayaa waxaa booliska ku wargaliyay nin ay qaraabo yihiin cayaartoyga, sidda ku xusan warbixin, oo intaas ku dartey in shaqsigaas uu arkay daaqada oo jabsan isagoo maraya meel u dhow hoyga.

Taliska Bilayska oo warbixin kooban soo saarey ayaa ayaa caddeeyay inay su'aalo waydiiyaan shaqaalaha ammaanka ee mas'uulka ka ah guriga waxayna dejiyeen kamaradaha ilaalada ee ku hareeraysan.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Mo Salah oo ku aadan dhaca loo geystay gurigiisa, iyadoo mas'uuliyiinta dowladda Masar aysan weli xaqiijin warkan.

Halyeyga xulka kubadda cagta ee qaranka Masar, Saalax waxa gudaha dalkiisa loo yaqaan "Boqorka Masar" iyo "Fircoon" sababo ku aadan waxqabadkiisa firfircoon iyo hoggaamintiisa.

Waxa uu ku guulaystay laba koob oo ah ciyaartoyga sanadka ee qaarada Afrika waxaana uu sidoo kale u horseeday Masar koobkii aduunka ee ugu horeeyay muddo 28 sano ah iyo sidoo kale finalka koobka qaramada Afrika sanadkii hore.

Saalax ayaaLiverpool kula guuleystay horyaalka cadaadiska badan ee Premier League, iyo sidoo kale tartamadda kala duwan ee kala ah Champions League, FA Cup, League Cup, iyo Koobka Kooxaha Adduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM