Guterres oo baaq cusub kasoo saarey colaadda Tigray

Image
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay "in kufsga loo adeegsanayo hub ahaan".

ADDIS ABABA, Ethiopia - Xoghayaha guud ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa mar kale ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo ka dhacda gobolka waqoyga Itoobiya ku yaala ee Tigreega.

Ismaamulkan xasarada ka jirto tan iyo bishii Novemebr sanadkii hore ayay ciidamada dowladda iyo dagaalyahannada mucaaradka ay ku dagaalamayaan waxaana ka dhashay geeri iyo qax.

António Guterres ayaa ku tilmaamay xaaladaha bini’aadanimo ee Tigray in ay yihiin “cadaab” wuxuuna sheegay in hay’adaha gargaarka ay u baahan yihiin in si aan xad lahayn loo gaaro.

Guterres ayaa si xoogan wuxuu u cambaareeyay xadgudubka galmada ee loo geysto haweenka Itoobiya oo lagu waramayo in dhinacyadda u adeegsanayaan "hub dagaal ahaan".

Isagoo wariyeyaasha kula hadlayay magaaladda New York, Mr Guterres ayaa xusay in aysan jiri karin xal milateri oo ku aaddan dagaalka, kaasoo ku fiday dowladaha dariska ah.

Wuxuu yiri: "Waa in la abuuraa shuruudo si loogu oggolaado bilowga wadahadal siyaasadeed oo ay hormuud ka tahay Itoobiya si xal kama dambeys ah oo waara loogu helo xiisadda".

"Wadahadalka noocan oo kale ah waxay gacan ka geysan karaan wax ka qabashada sababaha salka u ah isku dhaca iyo hubinta in codadka Itoobiya ay toosiyaan waddada nabadda," ayuu raaciyey.

Malaayiin qof ayaa barakacay boqolaal kunna waxay ku nool yihiin xaalado macluul gudaha gobolka Tigray halkaasoo colaadda ay u muuqaneyso in ay dhinacyada ku lugta leh aysan ka baaqsan doonin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM

WAR CUSUB: Congo oo diiday Qunsul ay Kenya u dirtay magaalada Goma oo Mucaaradka haysto

Fallaagada M23, oo marar badan lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah, ayaa sanadkan ku fiday dhul ballaaran oo ku yaalla bariga Congo.

  • Afrika

    17-08-2025

  • 01:51PM