"Guul taariikhi ah" oo u soo hooyatay Soomaalida Itoobiya

Image
Xisbiga talada haya ee Barwaaqo ayaa madaxwayne ku xigeen u doortey Aadan Faarax Ibraahim.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Wax lagu tilmaamay "guul taariikhi ah," madaxwayne ku xigeenkii degaanka Soomaalida ayaa maanta loo doortey ku xigeenka hogaamiyaha xisbiga haya talada dalka Itoobiya.

Aadan Faarax Ibraahim ayaa helay kalsoonida ergadda xubnaha xisbiga Barwaaqo, sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah oo soo xiganeysa natiijadda uu faafiyey guddiga doorashadda.

Ibraahim ayaa xilka madaxwayne ku xigeenka Soomaali Galbeed qabtey kadib isbedelkii ka dhacay kilinka kaasoo meesha looga saarey nidaamkii TPLF iyo Cabdi Maxamuud Cumar [Cabdi Illay].

Mustafa Muxumad Cumar [Cagjar], madaxwaynaha Soomaali State oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga, ayaa u dabaaldegay wax uu ku tilmaamay "hordhaca guulo soo socda".

Sida laga soo xigtey Cagjar oo maamulkiisa uu gacansaar dhow la leeyahay xukuumadda Abiy ee ku duushay gobolka Tigray, guusha Ibraahim waxay "horudhac u tahay nabsi ka bax ballaaran".

"Qarni ku dhawaad xaqiraad iyo duudsi uu ku jiray shacabka deegaanka Soomaaliyeed kadib, waxaa maanta xisbiga taladda haya dalka Itoobiya ee Barwaaqo uu Madaxweyne ku Xigeenka Xisbiga u doortay Mudane Aadan Faarax Ibraahim." ayuu yiri.

"Wuxuu ku daray: Waa guul taariikhi ah. Waa hordhac guulo soo socda iyo nabsi bax balaadhan oo shacabkeenu muddan yahay. Mudane Aadan Faarax waa shaqsi leh damiir, akhlaaq ahna hawlkar kaalin udub-dhexaad ah kulahaa, isbadalkii kadib, dib u dhiskii nidaamkii dawladnimo ee burburay ee deegaankeena. Waxaan leenahay hambalyo hambalyo," ayuu ku daray.

Sida laga soo xigtey Encyclopedia of the Third World, in ka badan hal milyan oo Soomaali ah ayaa ku nool Itoobiya, kuwaas oo intooda badan ku badan gobolka Ogaadeeniya oo hodan ku ah kheyraad badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM

Daahfurka GERD: Itoobiya oo Dib u Hanatay Awood Goboleed, Inkastoo Khilaafka Biyuhu Weli Taagan Yahay

Caqabadaha u baahan in la xalliyo si dalalka isticmaala biyaha wabiga Nile xal looga gaaro….

  • Afrika

    11-09-2025

  • 10:40AM