Hadal "takoor ah" kana soo yeeray madaxweyne oo la cambaareeyay

Image
Midowga Afrika ayaa si xooggan waxa uu u cambaareeyay dhawaqa kasoo yeeray hogaamiyahan.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Midowga Afrika ayaa cambaareeyay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Tunisia, Kais Saied, kaasoo ahaa in dadka ka soo jeeda Afrikada Saxaraha ka hooseeya ee ku nool dalkaas "ay ku lug-leeyihiin dambiyo".

Qoraal lagu daabacay ciwaanka Twitter-ka ee AU-da ayaa lagu sheegay in ay "ka xun yihiin hadalada isir-nacaybka ah ee ka dhanka ah dadka Afrikaanka ah ee Tuniisiya", wallow oo aan si toos ah loogu sheegin magaca Saciid.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahmat, ayaa intaa ku daray inay si adag u dhaleeceynayaan hadala naxdinta leh ee ay soo saareen mas'uuliyiinta Tunisia ee lagu beegsanayo dadka Afrikaanka ah.

Saied ayaa sheegay "in uu jiray qorshe dambiyeed ay ku lug-leeyihiin dadka Afrikaan ah tan iyo bilowgii qarniga si wax looga beddelo qaab dhismeedka dadweynaha Tunisia".

Wuxuu raaciyey: "Waxaa jira dhinacyo helay lacago badan kadib 2011 oo loogu talagalay dejinta muhaajiriinta sharci-darrada ah ee ka yimaad dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika".

Ururka ay ku mideysan yihiin ardayda Afrikaanka ah ayaa dhankooda waxay dhankooda aad uga banaanbaxeen hadalka kasoo yeeray Saied waxaana ay ugu baaqeen in uu degdeg uga bixiyo raaligelin iyo in uu ka noqdo hadalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM